Markii uu Nelson Mandela jaamacadda ka baranayay sharciga, mid ka mid ah macalimiintiisa, oo ahaa nin caddaan ah oo la odhan jiray Prof Peter, ayaa aad ayuu unecbaay. Maalin maalmaha ka mid ah, Professor Peter ayaa qado ka cunayay maqaaxida jaamacadda, Nelson Mandela ayaa u soo dhowaaday isaga oo qadadiisa wata oo soo ag fadhiistay. Professor Peter ayaa yiri, "Mandela, uma malaynayo inaad fahamsan tahay in doofaarrada iyo shimbiruhu iyagoo wax cunaya aysan wada fadhiisan." Mandela intuu eegay ayuu si deggan ugu jawaabay, "Ha werwerin Professor, goor dhow waan kaa duuli doonaa." Markaasuu aaday miis kale oo fadhiistay. Professorkii ayaa u adkeysan waayay jawaabta Mandela, wuxuuna go’aansaday inuu ka aarguto.
Maalintii xigtay, Professor Peter waxa uu Mandela fasalka dhexdiisa ku weydiiyey su’aal: "Mr. Mandela, haddii Adiga oo jidka maraya aad ka heli lahayd sanduuq ay ku jiraan laba boorso oo midda koowaad ay lacag ku jirto, ta labaadna ay xikmad ku jirto, keebaad dooran lahayd?" Isaga oo aan ka laba labaynin, ayuu Mandela ku jawaabay, "Dabcan waxaan qaadan lahaa boorsada lacagta." Barafasoorkii oo dhoola cadeynaya ayaa si jees jees ah u yiri, "Haddaan Adiga ahaan lahaa, waxaan qaadan lahaa boorsada xigmadda." Mandela waxa uu ugu jawaabay si qabow oo deggan, "Qof kasta waxa uu qaataa waxa ka maqan."
Professor Peter, markale ayuu aad u xanaaqay, ilaa uu warqaddii imtixaanka ee Mandela uu ku qoray "doqonnimo" una dhiibay. Mandela, waxa uu qaatay warqaddii imtixaankiisa, waxa uuna isku dayay in uu is dejiyo isaga oo fadhiyay miiskiisa. Daqiiqado ka dib, Mandela wuu istaagay, wuxuuna u soo dhaqaaqay dhanka Professor-kii, wuxuuna si asluub leh ugu yiri, "Professor Peter, waxaan ku saxiixay warqadda magacaaga, laakiin ima aadan siin wax calaamad ah."
Gunaanadka sheekada: Weligaa qofna ha u ogolaanin inuu dilo kalsoonidaada iyo hankaaga, xitaa haddii uu yahay Professorkaaga oo ku qiimeeya, ama madaxaaga oo shaqada kaa eryi kara, sababtoo ah naftaadu way ka qaalisan tahay wax kasta oo kale