Waa galab quruxsan, cirkana daruuro ayaa isku jiqsiiyey, dhinac walbana roob ayaa ka da'aya, daruruhu way galgaal bexeen, oo hillaac iyo onkodku waa is daba joog, roobkii qaadaba mid kalaa ka soo daba curanaya, gufaacooyinka roobabkii galbaday iyo guulaamooyinkii kuwa soo socda, ayaa iska hor imanayey, markaasey samaynayeen waqalo daruuro ah oo dib u hooraya, iyadoo qaanso roobaad quruxsan, midabyo badan lihina ay sida dhig-dhexo isugu kala rogaysay meel kastoo roob ka koco ama ku soo curanayo, iyadoo kuwo qaadayna ay soo celinayeen nakhaayil iyo saxan-saxo udgoon oo sanka lala raacayey. Idaha ciyaya, riyaha qalaadaya, geela ramaga ah ee ololaya, awrta qooqaysa, lo’da banaaxiyaysa, fardaha dananaya, dameeraha madaaraya, raha mugucyada ka dhaadhaale, shinbiraha midba codkeeda cayn ugu heesayso, dhirta wada magooshay, oo laydhu kaga foodhinayso canbuusha galoolka laamaha ruxaysa, rayska iyo uduga soo neefaya, ramaaska iyo cagaarka iyo doomaarta jiifta ee toban gardhoobay sida gabadh aad u timo dheer,