No reviews yet. Be the first to share your experience!
Latest Posts
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
📷 Photo
هسامح، لكن مش هنسى .
I will forgive, but I will not forget.
Waan cafin doonaa Se ma ilaawi doono.
142
0
0
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
Qoomamo.
Q2aad.
Bil ayaa kasoo wareegtay is aragoodii walina Ubax ma garanayso meel ay ka raadiso ninkii Faysal ahaa.
Isbedel muuqda ayaa ku dhacay ubax. Habeen walba hurdo badan ma seexato,cuntada si nafis ah uma cunto feker iyo werwer ayaana jidhkeedii bedelay.
Qofkasta oo ay garanaysay way waydiisay,barihiisii bulshada ee ay kuwada xidhiidhi jireen daqiiqadii walba waa ay soo booqataa oo raad ayey ka badisay.
Maalmaha qaar inta ay iska baxdo ayey u dhaqaaqdaa dhankii uu aadi jiray iyadoo xaafadaha,waddooyinka iyo meheradaha shaaha ka dhex baadha sidii qof soo lumay oo kale.
Isla galabta baafintiisa ayey kujirtaa. Duhurkii ayaa wiil ay isaga asxaab ahaayeen meel ugu tilmaamay.
Aaggii loogu sheegay ayey iskusoo toosisay.
Kolka ay cabaar wareegtay waxa ay aragtay wiil joog dheer oo qaabkiisii leh kaas oo meel durugsan sii socda.
Intii ay awoodaysay ayey kadaba oroday.
Mudadii ay jidka kusoo jirtay ayuu kaga dhex lumay meel saxmad ah oo dadkuna ku badan yihiin.
Hareerteeda midig bay jaleecday mise boqolaal dad ah baa isdaba maraya hadana dhinaca kale ayey u jeesatay kumanaan kale ayaa isdhex qaadaya. Markale si kadis ah ayey horteeda uga aragtay ninkii Faysal u eeg'kaa.
Ayada oo aan waxba hubsan ayey qaylo intii ay awoodaysay dhawaaqday.
Faysal!! Faysal!! Faysal!!
Dadkii oo dhan oo uu ninkii ay ku qaylinaysay kujiro dhankeeda ayey soo wada eegeen.
Nasiib daro ma uu noqon Faysal.
Kolkii ay aragtay in aanu isagii ahayn si yax-yax iyo xishood ka muuqdo ayey dib ugusoo laabatay.
160
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
Hadday qaar ku raadshaan
Qaar ku ruufayaa nool,
Nin haddaad la tahay rixin
Nin kalaad la tahay raran,
Waana xeer Rabbaaniya
Inaan ruuxna aadmiga
Wada raalli gelin karin.
Weedhsame.
169
0
0
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
Dhulka waxa aan ka bartay in aamusku uusan ka dhignayn dareen la'aan.
Hawada waxa aan ka bartay in aadan u baahnayn muuqasho si aad u yeelato saamayn.
Biyaha waxa aan ka bartay in dabacsanidu aysan ka dhignayn daciifnimo.
Dabka waxa aan ka bartay in baaba' iyo gubasho walba aysan ahayn dhammaad balse ay tahay bilow cusub.
-Dafle
139
1
0
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
Qoomamo..
Q1aad.
Maalinba maalinka ka danbeeya jaceylkoodu waa uu sii koraayey.
Ardayda ay isku dugsiga yihiin iyo macalimiintuba way isku barteen.
Qof waliba aragti gooni ah buu ka haystay xidhiidhkooda.
Waxaa jiray barayaasha qaar oo uu kamid ahaa macalinka maadada suugaanta waa uu soo dhaweeyey da'yarkan is caashaqay kuna dhiirigalin jiray hamigooda.
Kuwa kale oo uu kamid yahay wadaadka tarbiyada islaamka dhigaa aad buu uga diiri jiray, dhaqan xumo ayaanu ku tilmaami jiray ciyaalkan yar yar ee had iyo goor garbaha is haysta.
Labadooduba waa koray ama "teenager"
Ubax,waa gabadh dheer midab maariin ah waji qorqoran oo qurux u dhalatay.
Da'ahaan waa 16 laakiin,muuq ahaan inay intaas ka wayntahay baa la moodaa.
Jaceylkeeda Faysal qudhiisu waa nin lafdheeri iyo qaab samaan ku darsaday codkarnimo sidoo kale qurxaani ah.
Halsano ayuu ka wayn yahay ubax.
Garaad badnaan iyo fahmo badni ayaa uu caan ku yahay oo saaid ayuu waxbarashada u fiican yahay.
Qoyska Ubax jaar ayey dugsiga la yihiin sidoo kale way og yihiin xidhiidhka inantooda kala dhaxeeya Faysal.
Laakiin isaga gurigoodu aad ayaa uu u fog yahay
Maba jiro hal qof oo yaqaana halka uu dagan.
Maanta todobaad baa laga jooga subaxii ay galeen maadaadii ugu danbeysay ee imtixaankii fasalka afraad.
Isla maalinkaas wixii ka danbeeyey dib looma arag Faysal.
Asxaabtiisa,gacaladiisa iyo dhamaanba intii ay is yaqaaneen hal mar ayey iswada waydiiyeen.
Mid meel ku sheegana la waayey.
Ubax ayey aheyd qofka ay arintaasi warwarka ugu badan ku abuurtay.
Maadama ay jaceylkeedii wayday.
Habeen iyo maalin warwar ayey seexan wayday.
Dhamaan barihiisii bulshadana waa laga waayey.
Mida layaabka iyo amakaaga kusii noqday waxay aheyd in laba waayey qof kali ah oo taqaana halka uu dagan yahay.
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
Sheekooyinka taxanaha ah ee waaqiciga ah intiina danaysa halkan isku muujiya idinka oo love saaraya.
Sidoo kale waxan bilaabi doonaa dhawaan sheekooyin qaaska ah qofkii haya ama ay isaga ku dhacday in aan baahino oo aad halkan noogusoo gudbisaan anagoo qarinayna wixi khusuusiyaad ah.
Mahadsanidiin.
155
3
0
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
Iyada iyo faraska(she with horse).
Qurux badanaa kolka uu qofku si dabeeci ah ugu raaxaysanayo wax uu si dhab ah u jecel yahay!.
Dabeecaddu sideedaba waxay ku qurxoon tahay dabeecinimadeeda,jaceylkuna in daacad laga ahaado.
Qaabkasta oo jilliin loo qurxiyo kama waayeysid xagal aad ka aragto isyeel-yeelka lagu wado midaas ayaana ka qaadaysa dhadhankii dhab ahaanshaha.
Iyada iyo faraska waxaa ka dhaxeeya jaceyl aad u mugwayn.
Hayeeshee hal marna si dhab ah dushiisa ugumay raaxeysan
Waxaa taas sababteeda leh dhaqanka Soomaaliyeed oo aan dhiirigalinayn layaabna u arka gabadh dhalada ka saaran faras.
Oo waxa loo arkaa walax raga gaar u ah.
Markani waa markii ugu horeysay ee aan daawanayo iyada oo dushiisa ku dabbaal degaysa.
Subax hore weeyaan buurta ayaan guudkeeda ka daawanaya.
Iyada iyo faraskeeduna waxay joogaan viewga doox iga hooseeya.
Midabka cagaaran ee dhirta waxaa weheliya muuqaal silver ah oo ceeryaan ku qasan tahay.
Timaheeda madow marka ay qoraxdu ku dhacdo waxay dhexgalinaysa midab dahabi ah.
Masaafo dheer ayey marna si xawli ah ugu kaxaynaysa kolna aayar,dhagahaygan waxaa soo gaadhaya jabaqda qoobka faraska.
Samada qallalan ee bilaa daruurta ah ayaa sii qurxinaysa jawiga.
Xagasha ay quruxda iyo jaceylku iska galaan ayaad ka dhex dheehanaysa haddaad si dhugmo leh ugu fiirsatid
Waxaad is arkaysa adiga oo u dhoolacadeynaya si aan kutala gal aheyn.
Midaas ku siinaysa sawirka dhabta ah ee jaceylka daacada ah.
Waa qurux ku baashalaysa qurux kale iyo dookh nafis ah ku helay dookhiisii.
Dabeecadda deegaanka ee aan waxba laga bedelin ayaana dusha kasii qurxinaya.
184
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
"Aniga ama afkaartayda mid ayaa dhamaan doona"
Either me or my thoughts die.
153
0
0
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
📷 Photo
Qof kasta oo u maleeya inaad "aad u dulqaad yar tahay" waxaa jira mid u maleynaya inaad tahay qof deggan. Qof kasta oo u maleeya inaad "aad u xidhxidhan tahay" waxaa jira mid jecel sida aad u furfuran tahay ee aad u danaynayso dadka kale. Qof kasta oo u maleeya inaad "aad u yaab badan tahay" waxaa jira mid la dhacsan sida aad ugu dhiirrato waxyaabaha qaar, oo uga duwan tahay dadka kale. Qof kasta oo u maleeya inaad "aad u nugushahay" waxaa jira mid kugu ixtiraamaya inaad si aad ah ula xiriirto dareenkaaga. Qof kasta oo u maleeya inaad "aad isugu kalsoon tahay" waxaa jira mid u maleynaya in ixtiraamka naftaada ay muqadas tahay. Waxa hal qof u arko sifo xun oo aad leedahay, waxay noqon karaan waxa uu qof kale raadinayo. Sidaa darteed, ha isu qiimayn indhaha dadka kale.
Ahmed A. Qaydare
155
Dhigaal_wanaag
17. Mai 2026, 23:27
Sheeko ay dadnimo da’ayso
Degmo yar oo gobolka gasiiradda ah ee ugu waqooyiyeeya Jabbaan ku taal waxa ka furrayd bar uu tareenku ka rakaabsado oo la shaqaynaysay tan iyo Oktoobar 1932. Bosteejadan oo la dhihi jiray Istaanka Tareenka ee Kami-Shirataki waxa la soo gudboonaatay dadyaraan; aaggan cidiba inaga ma soo raacdo u mana muraaddo ee aynu albaabbada isugu dhufanno, ayaa lagu tashaday. Kolkii la hubiyay, waxa la ogaaday in ay jirto gabadh yar oo ciyaal-iskuul ah oo istaankaa ag deggan oo dhigata dugsiga sare oo u jira dhawr kiilomitir. Inantaas yar ayaa keligeed u baahan tareenkani in uu sii hawlgalo.
Shirkadda maamulaysay tareennadu waxay, kolkii ay latashi samaysay, go’aamisay in bosteejadaasi sii furraato inta ay inantaasi ka dhammaynayso iskuulka. Dhawr sannadood oo danbe ayuu istaanku sii shaqaynayay. Labo waqti baa la soo istaadhayay: keligeed buu aroortii sii qaadaa, gelinka danbana wuu soo rawaxiyaa. Gabadhii yarayd waxay qalinjebisay horraantii 2016. Ka dib, shaqaalihihii shirkaddu inta ay la dabbaaldegeen ayay hirgeliyeen go’aankii darteed u baaqday oo istaankaas waxa si rasmi ah loo xidhay Maarso 25, 2016.
In kasta oo aan bosteejadan uun la xidhin, ee saddex kale oo ka ag dhowaa balse ay kala marin ahaayeenna lagu daray oo ay ka mid ahayd qorshe guud oo dalku uu ku doonayay tashiilka khayraadka gaadiidka dadweynaha ku baxa, haddana waxay astaan u noqotay dadnimada iyo dhiirrigelinta waxbarashada. Bal sawiro culayska dhaqaale iyo hawsha uu waddanku ka marayo si uu u soo saaro qof berri-ka-maalin wax tari doonta dalkeeda iyo dadkeeda! ‘Maxaa naga galay,’ kugu soo dhici mayso kolka aad aayaha umaddaada ka fekeraysid. Qofka qiimigiisa ayaad dhab u qiraysaa.