Waxaan dhagaystay khudbadii shalay Sh Mustafe laga soo duubay oo maqal ah, Cawaaqib xumada dulmiga ayuu aad ooga hadlay sheekhu, addilo baddann ayuuna keenay, hadalka xattaa qasab ayuu ku yahay oo wuu ooyayaa, qofkastoo in uun iimaan lehna, way badali khudabadani runtii.
Wuxuu si cad ugu sheegay ree Somaliland si walbood dulmi iyo gardarro u tirsanaysaan, inay khalad tahay inaad idinkoo daliil ka dhiganaya xaqanagaan raadsanaynaa aad dulmidaan ree Falasdiin. Tusaale wuxuu usoo qaatay markaad shalay, dhulkiina ka qaxdeen ee Dulcad dagteen idinkoo qaxootiya, haddii Hargaysa iyo Burco laydiin soo daba mari lahaa, kaddib kuwaa dhulkiinii dhacay cidda aqoonsata ee dhahda, idinkaa leh dhulka maxaydun dhihi lahaydeen !?
Waa sida maanta ree Falasdiin kusugan yihiin, dad lasoo uruuriyay ayaa dhulkoodii lagu beeray, kaddib ree galbeed iyo xulafdooduna way u aqoonsadeen, kuwaas ayaad maanta leedihiin waana aqoonsadeen anana waan aqoonsanay !!!
Wuxuu sheegay Sheekhu in Israel tahay waddanka kaliya een la ogoleyn in la qaado DNA dhaacaanka hidda sidaha ee lagu ogoodo qofku meeshuu kasoo jeedo ! Waa khalad inaad ka dhigataan daliil Nabi Muxamed NNKH ayaa heshiis la galay, isaga ayaa maamulayay kuwuu la heshiiyay Nabigu SCW kolkay ballantii ka baxeen ee ay hal gabadha oo Muslimida mid Yahuudi ah uu qaawiyay, waa uu la dagaalamay waana iska caydhiyay. Nimankaa Yuhuudeed Ballan ay galleen oo ayna burina waligood ma lama arag, Ilaahay ayaa Qurankiisa inoogu sheegay.
1,100 Masaajid ayay dumiyeen, 315 qof ducaad ah ayay dileen, 200,000 qof oo Muslimin ah ayay dil iyo dhawac u gaysteen, 2 Milyan ayay gaajaysiiyeen, Gaaladii ayaa ka qaylinaysa oo ka yaaban
Hadaad u gargaari kari wayday ha dulmin oo xaqooda ha duudsin, kii furaha gurigiisa sitay hadaad dhahdo ka ku jiraan rumaysanahay inuu leehay, maxaad Ilaahay la hortagi. Daalimka ugu weyn ee dad Muslimiin ah laynaya haddaad dhaniikisa u leexato xaggeed aakharo tagi.
Ilaahay halloo tawbad keeno ayuu kusoo gababgabeeyay, waajibkii saaraa waa gutay Sheekh Mustafe Ilahaay ha ilaaliyee..
Xaggan ka dhagayso khudabada oo dhammaystiran
https://youtu.be/9WAajihH1gQ?si=pGxi8mba59dpVkyF