๐๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฒ๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฐ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐ โ ๐๐ซ๐๐ ๐ญ๐ข๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐๐ง ๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐๐ข๐ข๐ฅ
Jacaylka koowaad waa mid ka mid ah waaya-aragnimada ugu qotoda dheer ee maskaxda iyo qalbiga biniโaadamku la kulmo. Cilmi-nafsiga casriga ah wuxuu muujinayaa in xiriirka jacayl ee ugu horreeya uu si weyn u saameeyo sida qofku mustaqbalka u fahmo jacaylka, kalsoonida, iyo xiriirrada kale. Sababta ayaa ah in jacaylka koowaad uu badanaa yahay marxaladda uu qofku markii ugu horreysay si buuxda qalbigiisa ugu furto qof kale.
Marka ninku ku jiro jacaylkiisa koowaad, xiriirkaasi wuxuu inta badan ku dhisan yahay daacadnimo, rajo iyo qorshe mustaqbal. Labada qofna waxay si qoto dheer uga wada hadlaan himilooyinka nolosha, sida ay u dhisi doonaan mustaqbal wadajir ah, qoyska ay rabaan, iyo riyooyinka ay wada gaari doonaan. Cilmi-baarisyo badan oo cilmi-nafsiga ah ayaa tilmaamaya in marxaladdan maskaxdu sii deyso hormoonno sida dopamine, oxytocin iyo serotonin, kuwaas oo xoojiya dareenka kalgacalka, isku xirnaanta iyo kalsoonida. Tani waa sababta jacaylka koowaad uu inta badan u noqdo mid aad u qoto dheer oo qofka xusuustiisa si xooggan ugu habsada.
Si kastaba ha ahaatee, marka jacaylkaas koowaad uu burburo, qofku wuxuu la kulmaa waxa cilmi-nafsigu ku tilmaamaan โemotional traumaโ ama dhaawac shucuureed. Xanuunka kala taggu wuxuu mararka qaar maskaxda ugu shaqeeyaa si la mid ah xanuunka jirka, sababtoo ah qaybaha maskaxda ee maamula xanuunka iyo dareenka jacaylka ayaa si wadajir ah u shaqeeya. Natiijada ka dhalatana waxay noqon kartaa niyad jab, kalsooni darro, iyo cabsi qofku ka qabo in uu mar kale qalbigiisa u furo qof kale.
Kadib dhaawacaas, rag badan waxaa ku yimaada isbeddel dabeecadeed. Cilmi-nafsigu wuxuu arrintan ku sharaxaa habka loo yaqaan โdefense mechanismโ, taas oo ah hab ay maskaxdu isku difaacdo si ay uga hortagto xanuun labaad. Ninkuna wuxu bilaabaa inuu si taxaddar leh u waajaho xiriirrada dambe. Wuxuu ka fogaadaa hadalka mustaqbalka fog, qorshaha qoyska ama riyooyinka wadajirka ah, sababtoo ah maskaxdiisu waxay la xiriirisaa arrimahaas xanuunkii hore.
Mararka qaar sidoo kale wuxuu u janjeedhaa xidhiidh aan qoto dheerayn ama hadallo ku saabsan raaxo degdeg ah iyo madadaalo. Tani micnaheedu ma aha in uu neceb yahay jacayl dhab ah, balse waa dareen difaac oo uu qalbigiisu isku ilaalinayo. Maskaxdu waxay isku daydaa inay hoos u dhigto heerka daacadnimada iyo dhab wax udoonista si qofku uusan mar kale u dareemin dhaawicii hore ee ay nafhurnimadiisii ku hungowday.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-nafsigu sidoo kale wuxuu caddeynayaa in burburka jacaylka koowaad uu mararka qaar qofka ka dhigo mid ka bislaada dhinaca dareenka. Dad badan waxay ka bartaan waaya-aragnimadaas sabir, faham iyo awood ay si caqli badan ugu dhisaan xiriir caafimaad qaba. Waqti ka dib, qofku wuxuu dib u dhisi karaa kalsoonidiisa, wuxuuna awood u yeelan karaa inuu mar kale si dhab ah wax u jeclaado.
Gabagabadii, jacaylka koowaad waa waayo-aragnimo maskaxda iyo qalbiga raad qoto dheer ku reeba. Burburkiisuna wuxuu keeni karaa isbeddel ku yimaada hab-fikirka iyo dabeecadda qofka, gaar ahaan ragga qaarkood. Laakiin sidoo kale wuxuu noqon karaa cashar nololeed oo qofka ka caawiya inuu fahmo naftiisa, qiimaha jacaylka, iyo sida loo dhiso xiriir ka caafimaad badan kii hore.
Jacaylka koowaad waa bilowga fahamka qalbiga iyo nafta, balse ma aha dhammaadka awoodda qofku uu u leeyahay inuu mar kale si dhab ah u jeclaado. ๐ค
Ismail Abdirahmaan Ahmed.