Ilbaxnimo kastaa waxay xanbaarsan tahay iniinta burburkeeda. Heerkasta oo la gaadho waxa la bata waxyaabo aan hore loo arki jirin, waxa dhacda in la ilaawo wixii dadkan isu keenay, waxyaabaha ay tahay in la ilaaliyo oo meesha ka baxa, dadka qaar soo higsadey inay bulshadan la noolaadaan oo lagu xadgudbo, dadka xukunka haya oo janjeedhsada dastuurkii la wada lahaa.
Keliya dhibaatooyinkaa waxa dareema dadka dabaqada hoose ee wax lug ah ku lahayn, naftooda waxay la raadinayeen xoogsigooda iyo nololmaalmeedkooda inay helaan, wixii ku yimaadana la xaliyo, hantidooda waxay u gashtaan dawladda si waxyaabaha aanay awoodi karin, loona baahan yahay si loogu qabto, helaan cid kala jihaysa, se waxa kala fogaada dadkii dabqada sare ama xukunka hayey iyo kuwii hoose, ilbaxnimo iyo horumar haddii cagta la saaro dheefta la helay in lala lumo waxa keena dadka dabaqada sare. Awood bay ka helaan gaajo, saboolnimo iyo barakac dadka ugu horseedi karaan.
Si la mid waxyaabaha sida ulakaca ah dadkaasi u sameynayaan waxay abuuraan burbur, dulmi, isquudhsi iyo tayo la'aan isla meerta dhibaatadu way ka muuqataa dhammaantood marka u dambaysa oo waxa la arkaa xaalado waxba laga qaban karin, waxaana keenaya in dad gaar ah quruxda iyo haybada qof walba dhankiisa ka taagan yahay moodaan keligood inay keeneen ama dadkan lahayn masiir iyo awood la mid ah, waxkasta oo ay maanta ixtiraamayaana ku burburin karaan.
Dawladnimadu way dhalataa, waa la kobciyaa, naf-hur baa la sameeyaa, haddana way baaba'daa, way qudhuntaa, wayna duntaa. Waxaana qabta oo dib ugu dagaalama, u dhinta kuwa dabaqada hoose ee awalba dhibaatadu haysatey balse wadaniyadu ka buuxdey qalbigooda calooshood-u-shaqaystayaal iyo maal-qabeennada dhamaantood waxba masoo kordhiyaan dhibaatooyinka ay abuureen dadka dhexdooda xataa uma dhintaan si ay usoo celiyaan noloshii, dawladnimadii iyo is-aaminaadii. Qaar badan way baxsadaan, lama arko dhimashadooda.
Mar labbaad waxa loo riyaaqaa, dibna usoo noqotaa cagaarinta geedkii dawladnimo ee lagu dhisayey keliya bulshada halkaa ku nool waxay rabto, waxay dadkaasi rabina la fogaynayey. Qof inuu meel dego wax kale uma jeclaysto waxa niyadiisa ku jirtey inuu nasto, dhaqdo, ilaashado noloshiisa, waxkasta oo dhib ku ah ka fogaado, cidna aanu daandaansan dadkana nabad kala helaan si noloshiisa, sumcadiisa, magaciisa, hantidiisa, ubadkiisa iyo dhulkiisaba ugu helo barwaaqo. Wax dhiba oo ka hortaagan ma jirto haddiiba uu haysto dhul waxkasta ka soosaaran karo. Dadka dawladnimada higsanayaa waxay ka rabaan wax yaga metela inay ka dhex helaan nidaamka maamulay sameysteen, isku dabaqad in la ahaado, isdhegeysiga, cadaaladda, iyo awooda in loo sinaado.
Balse bulshadu waxay iska dhex doorataa kuwa dulmi wadayaasha ah, kuwii shalay isku direy dhexdooda, laba wajiilaha, waxdoonka badan, aftahannimada iyo isku dirku udheer yahay weliba. Waxay sheeganayaan waayo-aragnimo, aqoon, waxqabad, geesinimo iyo metelaad dhab ah inay ku hogaamin doonaan, mid walba gurigiisa, hantidiisa iyo wuxuu leeyahayba cadaaladda iyo xaqdhawr inay u ilaalin doonaan, gacantooda ku aaminaan, ku doortaan, markhaatina ka noqdaan inay raali ka yihiin.
Waxa haboon dadku haddii ay meel ku wada nool yihiin balse jeclaystaan inay kala nabad helaan, waxay kala leeyihiina loo qaybiyo ujeedkeedu waa in qof walba xorriyaddiisa helaa, sharaftiisa, maalkiisa iyo dhiigiisu badbaado, balse ma dhacdo, dadku dhulkooda yagaa dhista , oo jecel, si nabadooda iyo awooda dunida ku leeyihiin loo burburiyo waxa dagaal abuuraya dulmi wadaha ay doorteen.
Bulshooy dhulkiina, waqtigiisa iyo dadkiinaa wax ku tihiine ilaashada.
Warsan