Dhallinyaro, waxaa jira luqad ay ku hadlaan wax wal oo kownka dhex ahaaday. Hadda ma aha erayo. Mana aha jabaq iyo codad toona. Waa habsamaan (order), is-waaqsanaan (harmony) iyo Abbarsamaan (Precision).
Luqaddaasi waa isu dheellirka.
Hareerahaaga bal eeg. Maalintu ma liqdo habeenka, habeenkuna ma tirtiro malinta, laakiin way kaltamaan. Eeg qorraxda, nooma soo dhawaato si aanay inoo gubin, inagama na fogaato si aynaan qabow ugu dhiman. Wadnaheenna bal eeg, uma dhugleeyo si degdeg ah oo abaddi ah, mana dhaqaaq joojiyo, wuxu se leeyahay laxan gooniya iyo hab-dhac dheellitiran. Cirka eeg, iskama da'o uun si aanay badda iyo berrigu isugu furmin, biyahana gebi ahaanba iskama ceshto si aanay noloshu u abaarsan.
وَالسَّمَاءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ الْمِيزَانَ أَلَّا تَطْغَوْا فِي الْمِيزَانِ وَأَقِيمُوا الْوَزْنَ بِالْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا الْمِيزَانَ
Bal eeg sida uu Alle nolosha u laba-lammaaniyay si ay isu dheellitirto. Waxaa jira iftiin iyo mugdi, bad iyo barri, farxad iyo murugo, hakkad iyo dhaqaaq, xoog iyo dacfi, jirro iyo caafimaad, baqdin iyo rajo.
Haddaba gacaliyeyaal, sida uu dheellitirku kownka xeer xukuma u yahay, ayuu aadanuhuna qaanuunkani qudbi ugu yahay.
Nolosheennu waxay rabtaa Isu-dheellirnan.
Maxaan uga jeedaa? Si aad ah u shaqee, laakiin naso. Jidhkaaga quwee, ruuxdaadana quudi. Hadal oo dareenkaaga cabbir, sidoo kale badi dhagaysiga. U sacyi dhammaystiranka, sidoo kalana aadanenimadaada aqbal. Khayaalkaaga fur oo sidii cirbixiyeenka xiddigaha la cawee, misna waaqici noqo oo sidii najaarka dubbahagaa iyo majarafaddaada la kallah.
Waayo, haddii aan nolosha la dheellirin, shaqo-badnidu waxay isu baddeshaa daal iyo raran-gubyood (burnout). Kalsoonidu waxa isu baddesha isla wayni. Feejigo badnidu, waxay isu baddeshaa khowf iyo baqdin. Daacadnimadu waxay isu baddeshaa doqonimo. Geesinimadana, waxay isu baddeshaa qar-iskaxoornimo.