waxa aan Dabadeed, waa loo yeedhay. Way soo galeen, waxa ay isku sii yidhaahdeen 'Boqorku Diinteenna ayuu wax innaga wayddiinayaa, iyo rumeysannahay. Hala hadlo Jacfar Binu Abii Daalib. Qof kale yaanu hadlin."
u Ummu Salama waxa ay tidhi, dabadeed Najaashi aannu aragnay ayaannu tagnay. Waxa baddaariqadiisii oo hareeraha bidix iyo midig ba ka fadhida. Waxa kale, oo agfadhiyay Camar Ibnu Caas, iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica. Markii aannu golihii fadhiisannay ayaa waxa na soo eegayBoqoroow, tolkayo way nala colloobeen, wayna cadaabeen si ay Diintayada nooga fidneeyaan, oo ay noogu celiyaan caabudiddii Sanamyada. Markii ay na dulmiyeen ee ay na qasbeen, arrintiina nagu cidhiidhyeen, ee ay annaga iyo Diintayada kala dhexgaleen waxa aannu 11 800 baxnay Waddankaagan, ciddii kale oo dhan adiga ayaannu kaa soo doorannay. Waxa aannu jeclaysannay in aannu jaar kula noqonno. Waxa aannu rejo ka qabnaa in aan agtaada nalagu ag dulmin doonin."
Umu Salama, waxa ay tidhi, Najaashi ayaa daymooday Jacfar oo ku yidhi: Wax maka garanaysaa waxa uu Nabigaasi la yimid?" Jacfar baa yidhi: " Haa." Najaashi ayaa yidhi: "Akhri?" Jacfar, wuxuu bilaabay inuu Aayado Quraana akhriyo, waxa uu akhriyay Aayadaha ugu horreeya Suuratu Al Maryama. Dabadeed, markii uu Najaashi maqlay Aayadihii wuu OOYAY illaa gadhkiisii ay oohini ay ka tifiqlaysay, Quraanka uu maqlay daraaddii. Najaashi, waxa uu yidhi: "Kan uu Nebigiinnu la yimid waxa uu la midyahay wixii uu la yimid Nebi Ciise." Dabadeed, Najaashi wuxuu daymooday Camar iyo saaxiibkii, oo wuxuu ku yidhi: “ Iska socda, Wallaahi nimankan idiin ma dhiibayee."
Ummu Salama, waxa ay tidhi markii aannu si I baxaynay waxaa noo hanjabay Camar, oo saaxiibkii ku yidhi: Wallaahi berri ayaan boqorka uNajaashi oo yidhi: Waa maxay Diintan cusub ee aad qaadateen, ee iyada daraaddeed aad uga tagteen Diintii tolkiin, ee aydaan u soo gelin Diintaydana iyo Diin kale toona?' Jacfar ayaa hadalka qaatay, oo yidhi: "Boqoroow, waxa aannu ahayn dad waqtigii Jaahiliga Sanamyo Caabuda, maydkana cuna, xumaantana la yimaadda, qaraabadana gooya, jaarkana xumeeya, ka xoogga wayni uu wax ka qaato ka daciifka ah, sidaas ayaannu ahayn illaa Alle uu noo soo dirayay Rasuul aannu garanayno nasabkiisa, runtiisa, amaanadiisa, iyo dhawrsoonaantiisa... Alle kelidii in aannu caabudno ayuu noogu yeedhay, oo aannu ka tagno wixii annaga iyo aabbayaashayaba aannu caabudi jirnay Alle sokadii oo ah dhagaxaan, iyo Sanamyo. Wuxuu na amray in runta, ammaanada, xidhiidhinta qaraabada, wanaajinta jaarka, xumaantana in la iska daayo, wuxuu noo diiday markhaatibeenaalaha, cunidda xoolaha agoonta, iyo in hablaha dhawrsan xumaan lagu gano. Wuxuu na amray in aannu Alle kelidii caabudno oo aanaan u shirki yeelin. In aannu Salaadda tukanno, Sakada bixinno, Ramadaan na soonno. Waannu rumeynay, oo waannu aaminnay, oo wixii uu noola yimid ayaannu raacnay. Wixii uu oo noo xalaaleeyay ayaannu qaadannay. Wixii uu xaaraantimeeyayna waannu iska daynay.imanayaa oo raggan wuxuu ugu cadhoodo ayaan ka buuxin oo ku dhuri, oo xididdada ayaan u siibi." Cabdillaahi Binu Rabiica, ayaa ku yidhi: "Sidaa ha samayn Camaroow, waayo qaraabo ayaynu dadkan nahay, haba innaga duwanaadaane." Camar baa ku yidhi: " Iska daa... Wallaahi waxa aan uga warrami wax dhulgariir ku noqda oo lugahoodu la gariiraan. Wallaahi waxa aan odhan waxa ay sheegayaan in Ciise Ibnu Maryan uu addoon ahaa."
Markii aroortii la gaadhay ayuu Camar u galay boqorkii Najaashi oo ku yidhi: "Boqoroow, kuwad aad soo dhawaysay ee aad ilaalisay, Ciise Binu Maryama waxa ay ka leeyihiin hadal wayn. U yeedha oo wayddii waxa ay ka leeyihiin."
Ummu Salama, waxa aannu tidhi, ayaa iswayddiinnay waxa aannu Nabi Ciise ka odhan doonno haddii boqorku na wayddiiyo. Waxa aannu isku waafaqnay in aannu ka nidhaahno wixii uu Alle ka yidhi. Dabadeed, waxa aannu isku waafaqnay in aannu arrinta u dhiibno Jacfar Binu Abii Daalib.