𝗔𝗦𝗠𝗔𝗔 𝗕𝗜𝗡𝗧𝗜 𝗔𝗕𝗜𝗜 𝗕𝗔𝗞𝗔𝗥 𝗦𝗜𝗗𝗜𝗜𝗤.𝗥.𝗖
Ma arkin laba dumar ah wax ka deeqsinnimo badan Habaryarteey 𝗖𝗔𝗔𝗜𝗦𝗛𝗔 iyo hooyadeey 𝗔𝗦𝗠𝗔......
- 𝗖𝗔𝗕𝗗𝗨𝗟𝗔𝗔𝗛𝗜 𝗕𝗜𝗡 𝗭𝗨𝗕𝗘𝗥
Saxaabiyad sharaf walba kulansatay, Aabaheed waa saxaabi, awoowgeed waa saxaabi, walaasheed waa saxaabiyad, ninkeeda waa Saxaabi, wiilkeedana waa saxaabi.
Aabaheed waa Abuubakar Sidiiq Rc, Awoowgeed waa Abuu Quxaafa Abuubakar aabihiis, walaasheed waa Caa'isha Mu'miniinta dhan hooyadood, ninkeeda waa Zubeyr Binu Cawaam, wiilkeedana waa Cabdullaahi Binu Zubeyr, sharaf waxaa ugu filan in la dhaho gabadha uu dhalay Abuubakar Sidiiq Rc.
Waxa ay kamid aheyd dadkii islaamnimada xilli hore soo galay kaliya waxaa ka horeeyay 17 qof, Waxaa guursaday Zubeyr Binu Cawaam oo markaas ahaa wiil dhallinyar oo faqiir aan heysan wax hanti ah iyo adeege u adeegaba kaliya wuxuu heystay faras uu iibsaday, Waxa ayna u noqotay xaas wanaagsan wey u adeegi jirtay faraskana wey u dhaqaaleyn jirtay garab ayey u noqotay heer uu noqday saxaabada kuwooda ugu hodansan, markii ay muslimiinta u hijroonayeen Madiina iyaga oo diintooda baxsad la ah Asmaa waxa ay aheyd xaamilo bilaheedana wey dhammeeysatay balse arrinkaas uma diidin in ay hijrooto oo ay u dulqaadato dhibka safarka markii ay tageen Qubaa ayey waxa ay dhashay wiilkeeda Cabdullaahi Binu Zubeyr oo noqday cunugii ugu horeeyay ee u dhashay muhaajiriinta usoo hijrooday Madiina, Nabiga scw ayey dhabta u saartay markaas Nabigana candhuuftiisa ayuu afka u mariyay wiilka wuuna u duceeyay, wiilkaas calooshiisa wixii ugu horeeyay ee gala wuxuu ahaa Candhuufta Suubanaha SCW.
Asmaa waxaa u kulmay tilmaamaha kheyrka iyo wanaaga iyo caqli badnaanta deeqsinnimadana waxa ay u aheyd tilmaan, wiilkeeda Cabdullaahi 00 ka sheekeynayo ayaa dhahay Ma arkin laba dumar ah wax ka deeqsinnimo badan Habaryarteey Caa'isha iyo hooyadeey Asmaa, laakiin deeqsinnimadooda ayaa kala duwaneyd, Habaryarteey wax ayey isku dari jirtay,markaas ayey uqeybin jirtay dadka u baahan, balse hooyadeey Waxba ma keydsan jirin.
Caqli badnaanteeda waxaa cadeyn kuugu filan, Aabaheed Abuubakar markii uu hijrada usoo raacay Nabiga wuxuu horay usoo qaatay hantidiisa oo dhan, ciyaalkiisana waxba ugama uusan soo tagin, Abuu Quxaafa oo Abuubakar aabihiis ahaa oo aan markaas islaamin ayaa wuxuu ogaaday hijrada wiilkiisa kadib wuxuu u yimid Asmaa isaga oo rabay in uu ogaado in hanti looga tagay iyo inkale, balse Asmaa ayaa usheegtay in uu aabaheed uga tagay hanti badan iyada oo aruurisay dhagaxaan yaryar waxa ayna saartay meel ay lacagta dhigan jireen korkana waxa ay ka saartay dhar kadib ayey gacanta awoowgeed inta qaaday ayey kor saartay maadaama uu indhoole ahaa waxa ayna ku tiri Arag wuxuu nooga tagay hanti badan duqiina wuxuu yiri waa arrin wanaagsan markaas sidaas waxa ay u sameysay duqa in ay dajiso oo uusan is dhibin mana aysan jecleyn in ay qabato gacanta nin gaal ah xitaa haddii uu awoowgeed yahay.
Wiilkeeda Cabdullaahi Binu Zubeyr ayaa maalin u yimid isaga oo kala tashanaayay arrinka Xajaaj iyo in asxaabtiisa ay ka tageen, Xajaaj Binu Yuusuf isagana uu soo galaayo magaalada Makka uuna dili doonno, Waxa ay tiri Wiilkeygiyoow haddii aad xaq ku sugan tahay, xaqa aad ku sugan tahay ku sugnaaw, waad ogtahay
waxaa la dilay dadkii diinta u adeegaayay oo amniga diinta ka shaqeynaayay, xaqa ku sugnaaw si kasta oo ay natiijada noqoto... Wuxuu yiri isagana Hooyo laakiin markaan dhinto jirkeyga ayey xumeyn doonnaan markaas ayey tiri hadal cajiib ah Ariga waxba kama dhibaayo maqaar siibka marba haddii la gawraco Cabdullaahi markaas ayuu baxay Alle dartiina wuu u shahiiday.
𝗦𝗔𝗬𝗙𝗨𝗟 𝗜𝗦𝗟𝗔𝗔𝗠
https://t.me/abdiraxman14