Henüz yorum yok. Deneyiminizi ilk paylaşan siz olun!
Son Yazılar
FIIRAAN MEDIA
17 May 2026 23:44
Waxa gebi ahaanba joogsanaya berri dagaalkii u dhexeeyay Falastiin iyo israa’iil Ka dib heshiis xabbad joojin ah oo labada dhanacba ay isku waafaqeen la gaadhay.
Waxanna rajo la’aan ku dhamaaday damacyadii ay israa'iil ku doonaysay inay ku qabsato qasa, ka dib markay reer Falastiin la loodin waayay dhinac kasta oo la damacsanaaa in laga soo galo ama dhulkooda Lagu qabsado.
in kastoo aynu ognahay in kumannaan falastiinyiin ah ay ku nafwaayeen xansuuqii bahalninada ahaa oo ay israa’iil ka gaystay Qasa mudadii dagaalkii xaqadarada ahaa socday oo lagu xasuuqayay Qasa iyadoon aan cidna la dhaafayn maato maxas iyo caruurba iyo iyo bur-bur baaxad leh, oo laga gaystay dhulka baraykaysan ee Falastiin, oo ay isku Soo bahaysteen dawladdo is huwan oo shiisheeye oo maraykanku u horeeyo oo yuhuuda hiil iyo hooba la garab taagnaa mudadii dagaalku socday, lakiin Sida muuqata dawladdii ugu quwadda waynaa adduunka Gabi ahaanba waa ku fashilmeen doonistoodii iyo siday rabaan inay wax u dhacaan, waayo awooda rasmiga ama dhabta ah maaha taa ay haystaan ee waa ta alle gacantiisa ku jirta.
Kasrada ama Badida iyo hubka casriga ah guusha laguma hanto, ee Waxa guusha Hanta oo hesha cidda alle garabkeeda yahay.
Alle wuxu ku tilmaay aayadan inaan badida
Lagu hanan guusha.
{كَم مِّن فِئَةٍ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةً بِإذْنِ اللَّهِ }
Hubka iyo diyaargarowgu waxuu ka mid yahay sababaha laga rabo cidda dagaal gelaysa inay la yimaadaan lakiin iyagu guusha ma siiiyaan ciddii haysata hubkaa. Alle aayadan wuxu ku tilmaay in guushu alle uun keeno
"وَمَا النَّصْرُ إِلَّا مِنْ عِنْدِ اللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيم"
Taana waxa marag iyo maarkhaanti u ah
Falastiin. Urarka Xaamaas Waxay muujiyeen geesinimo Hal adaygnimo iyo naf hurnimo tii ugu saraysay ka dib markay waxkasta sida ay iyagu doonayeen ay u dhaceen, shuruuddo adagna hor dhigeen israa’iil ay ugu quus goynayaan.
Waxa dhex-dhexaad ka ah heshiishka labbo geesoodka ah ama labbada dhinac ah; maraykanka qadar iyo masar.
Reer Qasa guul bay u noqon hadduu heshiiskaasi sidaa la sheegay u fulo.
126
0
0
FIIRAAN MEDIA
17 May 2026 23:44
Caawa waxay ku beegan tahay 27-ka bisha Rajab. Waa habeen ay iska caleema-saarteen dad badan oo bidco Lagu ibtileeyay, saxna maaha in cibaado lagu gaar yeello.
Labbo arrimoodba;
1.nabigu S. C. W innooma sheegin in uu cibaado khaas la yahay.
2.habeenkaasina ku maba cadda nusuusta habeenka uu yahay. Hadduu caddaado xataa cibaado looma gaar yeellayo.
Goormay banaanayaan Waxyaalaha la xidho goormay shirki noqonayaan?
Waxa jiro waxyaalo la xidho Sida xildiiid caruurta gacmaha loogu xidhi jiray ama caagag dadku xidhaan Sida qooerta iyo kacmaha iwm. Hadii loo xidho sabab la xadhiidha inuu xanuun qofka ka difaacayo ama ilamaha yar loogu xidho, sababtaas oo kale ama xoololha, loo xidho ama si kaleba loo isticmaalo waa shirki. Shirkigaas oo u qaybsamaya labbo qaybood shirki yar iyo mid wayn.
1.wuxu noqonayaa shirki wayn haddii la aamino shaygan laftigiisu inuu wax tarayo.
2. Wuxu noqonayaa shirki yar haddi loo xidho inuu sabab u yahay in lagu bogsanayo ama uu belo celinayo mid qofka ku dhacday, ama mid uu ka hor tegayo.
Waayo shaygu inuu daawo yahay ama belo qaadayo ma ka hor tegayo wax Lagu ogaadaa labo sababood mid kood uun;
1. in sharcigu sheegay tusaale; malabku inuu daawo yahay Qur,aanka sheegay, waa saba sharci ah
2. in tijaaabo lagu ogaaday tusaale;
Daawooyinka aynu isku dawayn markaynu xanuunsano Waxa lagu ogaaday tijaabo, inay xanuunkan daawo u yihiin.
Goormay banaanayaan waxayaalaha la xidho sida waxyaalaha gacmaha lagu xidho iyo kuwa aynu kor kusoo xusnayba
Marka loo xidho Qurux ahaan,
Markaana wax loo shardiyaa;
1. in aanu u isku eekayn dumarka
ninku dumarkuna ragga isku ekaysiin.
2. in aanu qofka muslimka ah, isku
ekaysiin gaallada.
Shayga nijaasooba iibkiisa labbo qaybood baa loo qaybinayaa
1. Mid la daahirin karo kaasi waa banaan tahay in la iibiyo lakiin waa in la sheego marka la iibinayo
2. Kan labaad waa mid aanay suurto gal ahayn in la daahiriyo ma banaana in la iibiyo
92
0
0
FIIRAAN MEDIA
17 May 2026 23:44
Qeexida cabsidu; waa in qalbigu is garaaco Marka dhibaato ku dhacdo ama uu fisho.
Cabsidu marna cibaaday noqotaa marna cibaado ma noqoto.
Waxay cibaado noqotaa marka laga helo waxyaalihii shaygu cibaado ku noqonayay.
Cabsida qofka muslimka ah waajibka ku ah, waxa weeye in la laga tago wixii alle kaa reebay lana qaato wixii uu ina furay adoo ilaahay ku caabudaya oo u jeedo kaa ahayn.
Cabsidu kale oo ah in qofku la yimaado sunayaal iyo imw isaga oo alle ka baqaya waa sune.
Waxa jirta cabsi shirki ah waa mida loo sameeyo alle cid aan ahayn cabsidaa oo ay la socoto arrimhii cabsidu cibaado ku noqonaysay sida is-dullayn iyo is- dhuldhig iyo jacayl.
Waxa kale oo uu shirkii noqon cabsidu haddi uu ka baqo waxan sidiisa dhib u lahayn sida; cabsidii ay mushrikiintu ka baqan jireen sanamyadooda ama uu qofku ka baqdo qof dhintay inuu wax yeeli karo.
Waxa kale oo jirta cabsi xaaraan ah sida qofku inuu xaqa sheegi waayo isaga oo makhluuq ka cabsanaya.
Cabsida kalena waxa weeye inuu qofku cabsado asbaab muuqata sida xayawaan wax cuna taasi waa iska dabiici waana banaan tahay.
113
0
FIIRAAN MEDIA
17 May 2026 23:44
Channel photo updated
0
0
0
FIIRAAN MEDIA
17 May 2026 23:44
Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/L3sU4K24azQ8sPjR0ByzT5
101