Пока нет отзывов. Будьте первым, кто поделится своим опытом!
Последние посты
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
Waxa aan doonayaa gabar aan isku sheeko nahay oo markaan Fydor Dostoevsky ka warramayo macaansaneysa oo aan u moodeyn inuu ahaa wadaad waalan,kaabbe qabiil amase madaxweyne. Waxa aan jeclahay in aan nolosha la wadaago inan aragti walba oo nolosha quseysa si qabow iigala doodda oo ila faaqidda dhaqan,diin iyo falsafadba. Waxa aan daneynayaa qumman aan laabteeda ku jiifto marka ay suugaanta akhrinayso Islamarkaana cod aad u dabacsan iigu luuqeysa meerisyada cishqiga iyo kalgacalka ah si ay ruuxdeyda u kobciyaan. Waxa aan rabaa haweeney aan inta shaneemada isla aadno aflaamta isla soo daawanno. Waxa aan doonayaa gabar ii kaxeysa bandhig faneedyada iyo jawiyada macaan,iigu baaqda meel aadmiga ka fog,iiga sheekeysa quruxdeeda,jiidda dabiicadda oo inta habeennadii xeebta igeysa iga dalbata in aan inta dhexda is qabsanno isla jaasno si nafahaynnu culayska iyo qulubka uga nefisaan. Iyada oo ay innoo daaran tahay:-
Ma ciyaarayee dhugo
Sidaad iigu culustiyo
In aan wada caweynnaa
Siday ii cajabin lahayd
Waxa aan aad u xiiseynayaa qalanjo aannu waddooyinka Baariis isla aadnno oo aan halkaas ku wada falaqaynno quruxda gaarka ah ee ay ku leedahay sheekooyinka,filimada iyo nafsadaha akhristayaasha. Waxa aan u baahanahay fannaanad ii heesta markii aan ka daalo qabashada wax walba oo dareenta keliya in aan sugayo erayada afkeeda kasoo baxaya. Waxa aan doonayaa cuddoon aan dhanbaallada ugu diro sida Kaafka Meliinna ugu diri jirayay. Waxan doonayaa mid haweenka dhan iiga dhex iftiinta sidii aannay ba adduunka dumar kale joogin,mid iyada uun ii muuqata sida Xaawadii Aadam,Leyladii Qays,iyo Hodontii Boodhari. Taa ayaan dooni! Haa iyad ayaa aan dooni!
Aw Saahil
1,790
9
0
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
📷 Photo
1,610
0
0
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
📷 Photo
Tallaabo Taariikhi ah: Saynisyahanno ayaa markii ugu horreysay si nadiif ah HIV uga saaray unugyada difaaca jirka bini’aadamka
Markii ugu horreysay, saynisyahanno ayaa adeegsaday farsamada casriga ah ee CRISPR si ay si buuxda uga saaraan fayraska HIV DNA-ga unugyada T-cell ee bini’aadamka – kuwaas oo ah saldhigyada nidaamka difaaca jirka. Tani ma aha keliya hoos u dhigista fayraska sida daawooyinka caadiga ah, balse waa tirtirid buuxda oo ah "genetic blueprint"-ka HIV.
Cilmi-baaristaani waa mid dhab ah oo taariikhi ah, waxayna u dhowdahay in ay furto waddada daawo joogto ah oo HIV ah. In kasta oo aan wali loo adeegsan dad, waa rajo weyn oo mustaqbalka dhow laga filayo.
2,110
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
Baraaruji Maanka oo Mustuqbalkaaga Bedbaadi: Vision
Nololsha maalinlaha ah ee la nool yahay, dhacdooyinka dhacaya, dhibaatooyinka iyo dheefta isdaba socda, dadku laba qaab ayay uga falceliyanaan: midi wuu dhex muquurtaa, isku dhex illaawaa, oo maalinta culays soo foodsaaro ayaa ugu danbaysa jihadii uu u socday. Kolba wixii ku yimaadda ee hawl ah ayuunbuu ka falceliyaa. Halka mid kale dhibaatada, xanuunka iyo culaysyada nolosha uu u adkaysto, u dulqaato, oo waliba muddo yar horumar ku sameeyo, tolow maxaa kala duway labadaa qof?
Waxa ugu qeyn ee ay ku kala duwan yihiin ee caalamiga ah, dhammaan dadka hantay himiladooduna ka siman yihiin waa in ay leeyihiin aragti-fog "vision", iyo in ayna caqabadaha yaryari joojin amaba xannibin.
Dadka leh aragti fog waxa lagu yaqaannaa in aannay dhaldhalaalka iyo maalayacnigu sirin "temptation". Waxa lagu yaqannaa in ayna xanuunka ka soo gaadha hawsha iyo hadafkooda ka gabban ee ay si dhab ah u waajahaan oo u adkaystaan.
Waxa ay fantaan oo fuulaan sallaanka iyo kaabadaha horumarka, sannadkii hore halkaad ku taqannay ma aha e, meel ka sii korraysa ayay u sii socdaan, waa dad leh aragti-fog iyo yool aan la lumin karin.
Waa dad leh "destination" goob iyo meel cayyiman oo ay ku jihaysan yihiin. Sidaa awgeed, waxyaabo badan oo adiga ku dhibaa iyaga ma dhibaan. Waxyaabo badan oo aad adigu culays u aragtana iyagu uma arkaan. Way ka maqnaan karaan baraha bulshada hadday go'aansadaan. Waddan kale ayay u boqooli karaan. Kalinimo ayay oggolaan karaan. Qorshayaal aadan hawaysan karin ayay furlin karaan markay dajistaan, sirtooduna waa sabir iyo aragti-fog "patience & vision".
Haddaba, haddii aad maalintaada ku qaadato wax aan macne badan lahayn, ogow aragtidaada fog ayaa liidata, ama maba lihid, sidaa awgeed dib isku qiimee oo qaayo isku yeel.
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
📷 Photo
2,030
6
0
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
https://www.artofmanliness.com/skills/manly-know-how/100-skills-every-man-should-know/
100 Skills Every Man Should Know
1,730
3
0
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
Aniga oo Laptop wata ayaan fadhiistay mid kamida kafateeriyada. Direeska cusub ee aan xidhanahay, okiyaallaha aan sito, saacada dhudhunka iigu giijisan, kabaha ii baalashaysan, iyo timaha habayska iigu shanlaysan iyo sida aammusnaanta leh ee aan u eegayo shaashada laptop-ka waxay bixinayaan sawirka ah; barbaar ka hawlgala mid kamida NGO-yada oo project gacanta ku haya ama mid kamida hay’adaha dawladda ka hawlgala oo mashquul awgii xataa ku shaqeeya goobaha kafateeriyada ee loo soo aado nasiinada iyo sheekada.
Balse xaqiiqdu waa in barbaarkaa uu yahay baagamuude shiid ah oo soo shaxaaday halkii doollar ee uu shaaha kaga cabi lahaa kafateeriyadan, iyada oo ujeedka kale uu makhaayada u yimidna ay tahay inuu isticmaalo internet-keeda, maadaama aysan taleefanka Data Internet ugu jirin. Halka ay dadku moodayaan inuu hawl culus hayo oo Word ama Excel ku jiro, waxa uu daawanayaa YouTube iyo Baaba Jeey iyo Idriiska Ii Taabo. Waayo, waaqiciisa qaraar ayuu kaga baxsanayaa maad iyo qosol, halka dadka qaarna ay daraagis kaga baxsadaan.
Si kastaba, muuqaalada qurxoon ee dusha sare inooga muuqda, waxaa ku hoos duugan kun muuqaal oo kakan oo aan sahlanayn dhugashadooda. Waxaa iyadane mushkilad kale ah fursadda iyo ciddii ku habboonayd oo aan isa soo gaadhayn, ha noqoto inay qolo afka u dhigato ama connection xumo.
2,020
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
📷 Photo
Horay Ma U Aragtay Application-kan Kaneecadu Ka Cararto ?!
🦟 Mosquito Sound.
Waa barnaamij mobilada lagala soo dego (Android/iOS) kaasoo soo saara dhawaqyo ultrasonic ah ama codad aad u sarreeya oo aysan bini'aadamka maqli karin ama si dhib ah loo maqli karo, balse kaneecadu ay ka cabsato ama aysan jeclayn, wuxuu soo saaraa codad u dhaxeeya 15kHz ilaa 50kHz — codadkan kaneecada qaarkood ma jecla.
📝 Ugu dambeyn :
Mosquito Sound App waa xal tignoolajiyadeed waxaad kala degi kartaa Telephone kaaga Android adigoo ku qoraya Mosquito Sound App ama App store Adigoo ku qoraya Mosquito With Sound App.
App-ka inkasta uu yahay xal nadiif ah oo aan waxyeello lahayn, haddana natiijadiisu way kala duwan tahay mana lahan cadeyn cilmi ah oo xooggan, inuu qofka u shaqeeyo waxay ku xirantahay deegaanka, nooca kaneecada, iyo tayada codka.
F. G: aniga wuu ii shaqeeyey markii aan tijaabiyey.
1,890
Shacuub
20 мая 2026 г., 23:40
📷 Photo
Mclin Genuies Eh, GK Mixnada Oo Kaligiis Kuu Badin Karo, Duwe Io Taree Calan Wade Cml Horay Gadaal U Socdo, Dhax Coomiina Oo Maqaar Bas Iskula Hdlaayaan Neefna U Fadhido, Weerar Kala Daran Oo Dab Io Holaca🔥 Koox Saan Complete U Eh, Sndkaan Waa Naga Waaleen Psg Wee Na Dominate Gareeyeen🤦