Ka warran in Israa’iil maanta dhexda u gashay xaalad masiibo ah?
Iiraan ayaa maanta qarxisay Ramat Hovav oo ah aag warshadeed oo weyn oo ku yaalla lamadegaanka Negev, qiyaastii 12 kiiloomitir koonfur ka xiga magaalada Beersheba. Waxaa la aasaasay 1970-meeyadii, waana xarunta ugu weyn ee Israa’iil u adeegsato warshadaha kiimikada iyo maaraynta qashinka khatarta ah. Aaggan wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa soo saarista kiimikooyinka culus iyo nidaamka maareynta qashinka.
Si magaalooyinka looga fogeeyo kiimikooyinkan waxaa warshadaha laga hirgeliyay aag bannaan, balse qaraxyada maanta ka dhacay warshadahan ayaa dhaliyay in magaalooyinka ku hareeraysan dadka la siiyo digniin rasmi ah oo albaabada iyo daaqaha goobaha ay joogaan ay ku xirayaan, waxaana la joojiyay dadku inay bannaanada usoo baxaan, taa oo muujinaysa inay jirto xaalad khatar ah.
Ujeedka weerar noocan ah, wuxuu ka dhigan yahay iskuday kasta oo Israa’iil ay ku beegsanayso xarumaha muhiimka ah ee Iiraan inay ka dhalanayso cawaaqib darran, waxayna tani ku qasbaysa janaraalada ciidanka Israa’iil inay wax ka badan labo mar ka fakaraan weerar kasta oo ay hadda ku qaadayaan xarumaha istaraatijiga ah ee Iiraan, sababtoo ah waxay leeyihiin jawaab xannuun badan.
Waxaa jira wax kale oo ay tahay in la sheego, waxay Israa’iil ka doonayso weerarrada ka dhacaya xarumaha muhiimka ah ee Iiraan, inay dhaliyaan caro weyn oo Iiraan ku qasbaysa weerarada lagu ballaarinayo dagaalka inay ku jawaabto, gaar ahaan inay beegsato xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla dalalka khaliijka, taa oo ah mid ka mid ah waxyaabaha ay Israa’iil ka doonayso dagaalkan oo ah inay kala fogaadaan Iiraan iyo khaliijka, ugu dambeyna Carabta ay ku biiraan dagaalka iyagoo la safan Israa’iil, balse Iiraan ayaa hadda taa u muuqata inay ka hortagayso.
Aragtidayda, Iiraan waa inay diiradda saarto beegsiga xarumaha muhiimka ah ee Israa’iil, isla markaana ay cadaadis ku abuurtaa Israa’iil, taas ayaana joojin karta dagaalka, ee ma aha inay weerarto dalalka gobolka.
Sababtu waa in Israa’iil ay rabto in marka ay duqeyso xarumaha muhiimka ah ee Iiraan, ay Iiraan ka jawaabto iyadoo weerarta dalalka Khaliijka,sidaas darteed Iiraan waa inay ka fogaataa dabinkaas. Taa beddelkeeda, waa inay xoogga saartaa beegsiga xarumaha muhiimka ah ee Israa’iil.
Ugu dambeyntii, Iiraan maanta waxay muujisay inay awood u leedahay inay gaarto oo ay beegsato xarumaha ugu muhiimsan ee Israa’iil, una sheegto dadweynaha Israa’iil inay xataa beegsanayso wadnahooda oo aysan jirin difaac ka hortaggi kara weerarradooda.