Fadliga Tobanka Maalmood ee Ugu Horeeya Bisha Dul-Xijjah
Fadlan qormadan dhameyso 🌙🤲
Alle ayaa mahad leh, kaas oo noo fududeeyey inaan gaarno maalamahaan kheyrka badan, kana dhigay maalmo gaar ah iyo kuwo uu fadli yeelay camalka suuban. Ma jiro waqti kale oo camalka wanaagsan uu ka fadli badan yahay camalka lalayimaado maalmaha ugu horreeya ee bisha Dul-Xijjah.
Waa fursad qaali ah oo qofkii muslimka ahi u baahan yahay inuu si dhab ah uga faa’iidaysto. Qormadan waxaan ku eegaynaa fadliga maalmahan, camallada lagu ay tahay in lagu dadaalo, iyo sida uu qofka muslimka ahi uu uga faa’iidaysan karo.
Dulucda Qormada
Bisha Dul-Xijjah waa bishii laba iyo tobnaad ee sannadka Hijriga, waxayna leedahay fadli weyn gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu horreeya. Nabi Maxamed (NNKH) wuxuu yiri:
"Ma jiraan maalmo camalka suuban uu ka fadli badan yahay maalmahaas tobanka ah." Saxaabada ayaa waydiisay, Nabi allow Xattaa ma jihaadkii Ilaahay dartiis?" Wuxuu yiri: "Xattaa jihaadkii Ilaahay dartiis, marka laga reebo nin labaxay naftiisa iyo maalkiisa, markaasna aan waxba kalasoo laaban." (Bukhaari)
Maalmahan waxaa ka mid ah maalinta Carafo – oo ah maalinta ugu fadliga badan sanadka kadib Layllatul Qadr – waxaana maalintaas ilaahay cafiyaa dambiyada sannadkii hore iyo kan dambe, haddii uu qofku soomo. Waxaa sidoo kale lagu gudanayaa mid kamid ah waajibaadka xajka, kaas oo ah tiir kamid ah shanta tiir ee Islaamka.
Camallada lagu dadaalayo maalmahan waxaa ka mid ah:
Soonka (gaar ahaan maalinta Carafo)
Salaadda faralka iyo sunnooyinka
Dikriga badan (Takbiir (الله اكبر), tahmiid, (الحمد لله), tasbiix, (سبحان الله) iyo inta lamid ah oo kujiro saliga Nabiga SCW
Akhrinta Qur’aanka
Sadaqada iyo quudinta kuwa aan waxba haysan
Dadaalka lagu kasbanayo raalli ahaanshaha Ilaahay
Gabagabo
Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-Xijjah waa hadiyad Rabbi uu siiyey ummadda Nabi Maxamed (NNKH). Waa fursad aan dib loo heli karin ilaa sannadka dambe. Qof kasta oo Muslim ahi waa inuu isudiyaariyaa, niyad wanaagsana la yimaadaa, sidii uu uga faa’iidaysan lahaa waqtigaan barakaysan. Haddii aan la xajineyn, hala soomo, haddii aan la soomi karin, halagu dadaalo ducada, salaadda iyo dikriga. Waa maalmo kooban balse abaalmarintoodu aad bay u weyn tahay.
Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fursadaha mar la’aragga ah ee cimrigooda soo mara.
Amiin, Amiin, Amiin
Xigasho, Rajada Nolosha