Wargeyska Israa|l ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth, ayaa ku warramay in kooxda internetka wax ku jabsatay oo ka soo jeeda Turkiga inay u dhaceen telefoonka wasiirka difaaca Israa|l , Yisrael Katz, iyadoo mid ka mid ah kooxda oo hab muuqaal ah u wacay Katz, kana qaaday sawirro kaamirada hore ee telefoonka wasiirka difaaca Israa|l oo markii dambe internetka lagu faafiyay.
Charlie Kirk, oo ah nin dhallinyaro ah oo u dhaqdhaqaaqa fikradaha garabka midig iyo aragtiyada xisbiga jamhuuriga Mareykanka ayaa saacado ka hor la toogtay, isagoo barnaamij ku qabanaya barxaladda jaamacadda Utah Valley oo ku taal magaalada Orem ee gobolka Utah, ee dalka Mareykanka. Ninkan ayaa isagoo makarafoonka ku hadlaya waxaa xabbad looga dhuftay surka, taa oo keentay si dhaqso ah in loola cararo isbitaal , waxaana lagu sameeyay qallin, iyadoo la sheegay inuu ku jiro xaalad halis.