ಇನ್ನೂ ಯಾವುದೇ ವಿಮರ್ಶೆಗಳು ಇಲ್ಲ. ನಿಮ್ಮ ಅನುಭವವನ್ನು ಹಂಚಿಕೊಳ್ಳುವವರಲ್ಲಿ ಮೊದಲಿಗರಾಗಿ!
ಇತ್ತೀಚಿನ ಪೋಸ್ಟ್ಗಳು
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
161. Malabka haddii ay ku dhex dhimato shinnidu ma nijaasoobayaa?
Jawaab:
Maya, waa waxyaabihii aan dhiigga lahayn.
162. Wiilka yar ee toddobada bilood jira kaadidiisa iyo matagiisaba ma is ku si baa loo daahiranayaa?
Jawaab:
Maya, kaadidiisu waa tii khafiifka ahayd oo rusheyn baa ku filan, laakiin matagiisu waa nijaas oo caadi baa loo maydhayaa.
163. Waddanka gaalada dumarka soo islaama ee waalidkood gaalka yahay imaamka masjidku ma guurin karaa kol haddii xaakim islaam ahi aanuu joogin?
Jawaab:
Ciddii aqoon uleh axkaamta diinta ee ay arrinkooda udhiibataan ayaa guurinaysa.
164. Gabadhu marka ay sujuudayso haddii timaha hore ee fooddu muuqdaan salaaddi may ka jabaysa?
Jawaab:
Haa, ma ansaxayso.
165. Qofku marka uu fadhiga ku tukanayo; in uu kursi ku fadhiisto iyo in uu dhulka fadhiisto keebaa wanaagsan?
Jawaab:
Kolba kii isaga ufudud.
166. Dhawaan ayaan bartay in gabadha haddii dhiiggu ka go'o salaadda cishaa'i, lagu leeyahay salaaddaas iyo salaaddii Maqrib, haddaba danbi maku leeyahay wakhtigii hore ee aanaan soo qallayn jirin?
Jawaab:
Intii aad ka xasuusato soo qallee, wixii kalena danbi ku yeelan maysid Ilaahay idankii.
167. Ma banaan tahay in aan barto qanuunka wadciga ah haddii aanaan ku shaqeysanayn?
Jawaab:
Haddii aanaad udhiganayn in aad isaga ku xukunto shareecada baddalkeeda dhib malaha.
168. Ma usoomi karaa niyadda ah in Ilaahay dhibka ka dulqaado falastiin?
Jawaab:
Soonku sidiisa duco maaha, laakiin waad soomaysaa, kadibna waad uducaynaysaa adoo sooman.
169. Haddii aan uweysaysto in aan kitaabka Qur'aanka akhriyo, weysadaa maku tukan karaa?
Jawaab:
Haa, kol haddii aad ugu talo gashay in aad kitaabka ku taabato.
170. Salaadda marka aan xidhanayo haddii aan labo jeer ku celiyo (Allaahu Akbar), ma dhibaa ku jirta?
Jawaab:
Haddii aad labada jeerba xidhasho uga jeedo way is burinayaan, oo markaa ta danbe qof aan salaad ku jirin baad noqoneysaa.
171. Salaadda in lagu dhex hadlo meelo la ogol yahay may jirtaa?
Jawaab:
Maya.
172. Haddii aan ka shakiyo in aanaan weyso qaadan, ma tukan karaa mise waa in aan dib uweysaysto?
Jawaab:
Waxa ay ku xidhan tahay xaaladdaada; haddii aad weyso qab isku ogayd ood ka shakiday maad wayso jabtay waad weyso qabtaa, haddii aad weyso jab isku ogayd ood ka shakidana ma wayso qabtid.
#Dahaarada
#Salaadda
#Soonka
#Guurka
17,000
0
0
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
🎨 Sticker
14,800
0
0
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
150. Digada xoolaha ee qalalan haddii aan ku dul tukado salaaddu ma iga jabaysaa?
Jawaab:
Kaa ansixi mayso salaaddu haddii aanay waxba kaa xigin, laakiin haddii wax kaa xigaan waa caadi.
151. Gabadhu ninka ma eegi kartaa haddii uu asturan yahay?
Jawaab:
Haddii ay xaajo keensato wixii aan cawro ahayn waa loo ogol yahay, laakiin xaajo la'aan culimadu ma ogala.
152. Waxa jira dadka qaar marka ay indho kuulanayaan candhuuf ku qooya qoriga indho kuulka si uu uqabto indhaha, markaa qofkaasi ma qof nijaas marsadaybaa?
Jawaab:
May, candhuuftu waa daahir.
153. Dadka qaarbaa la galiyaa katiitar si uu kaadida uga soo qaado, qofkaasi haddii uu miirqabo ma ku tukan karaa haddii aan laga saari karayn?
Jawaab:
Qofkaas salaaddu way ku waajibaysaa, katiitarkana imika waxa jira kuwo qofka laga furi karo, markaa kuwaa ha isticmaalo, oo marka ay salaadda gaadho halaga furo.
154. Gabadha uurka leh dhiigga caadadu maka yimaadaan?
Jawaab:
Haa, mad'habka shaaficiga haddii dhiig lagu arko shuruuddii dhiigga caadada laga helay.
155. Kafaarada dhaarta haddii qofku buriyo lagu leeyahay waxa kamid ahayd in uu miskiin quudiyo, haddaba haddii aan lacag udhigmaysa raashinkii hal miskiin siiyo ma iga dhacaysaa?
Jawaab:
Kafaarada dhaarta toban miskiin baa la quudiyaa ama dhar laa siiyaa ee hal miskiin maaha, lacag in la siiyana kaaga gudimayso.
156. Haddii waalidku marka uu sii dhimanayo caruurtiisa qaar kamid ah xoolihii wada siiyo, qaybintaasi sax ma noqonaysaa mise markuu dhinto dib baa loo qaybsanayaa xoolihiisii?
Jawaab:
Haddii aanay xaaladdiisa caafimaad fiicnayn ama wakhti halis ah isaga oo ku jira xoolihiisa uu bixiyo ma fulayaan, haddii aanay ogalaan dhaxlayaashiisu dhimashadiisa kadib.
157. Gabdhu haddii ay umusho oo dhiigna aanuu ka iman salaaddii ma tukan kartaa?
Jawaab:
Haa, laakiin dhalmada waa in ay ka maydhato marka hore.
158. Haddii marada aan ku tukanayo ay wayn tahay oo darafkeeda nijaaso ku dhacdo salaaddu may iga buraysaa haddii aanay ii dhawayn nijaasadu?
Jawaab:
Haa, kol haddii ay tahay maradii aad huwanayd.
159. Gabadh bukaan ah oo dhakhtar usoo qoray dawooyin maskaxda dajiya ayaa isku aragtay uur bilaw ah, markaa ma iska soo xaaqi kartaa ilmahaas xaaladda ay ku jirto awgeed?
Jawaab:
Haddii ay halis nolasheedu galayso oo labo dhakhtar oo muslim ah ay sheegaan arrinkaas dhib malaha.
160. Gabadha caadada leh kitaabki Qur'aanka ma taaban kartaa oo ma akhrin kartaa haddii ay imtixaan ku galayso?
Jawaab:
May, looma ogala.
#Dahaarada
#Salaadda
#Dhaxalka
#Dhaaraha_iyo_Nadarka
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
🎨 Sticker
17,100
0
0
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
144. Gabadhu haddii ay bisha Ramadaan isku muddo irbad dhiigga caadada ka joojinaysa; si ay uwada soonto, ma banaan tahay?
Jawaab:
Haa, dhib malaha.
145. Madoobaysada timaha la mariyo ma xalaal baa?
Jawaab:
May.
146. Salaadaha marka la israacinayo adkaartii salaadda ka danbaysay miyaa la akhrinayaa mise toos baa la iskugu xigsiinayaa?
Jawaab:
Toos baa la iskugu xigsiinayaa, adkaartana marka ay dhammaadaan labada salaadood baa lala imanayaa.
147. Shirkadaha gaaladu waxa ay leeyihiin khiyaaru-shardi ka badan saddex maalmood, markaa ma anasaxaysaa in aad shardigooda kula dhaqanto?
Jawaab:
Mad'habka shaaficiga ma banaana, laakiin qofka haddii shaqadiisa dhib ka soo gaadhayso madaahibta kale uu raaci karaa ee banaynaysa.
148. Qof baanu isku dagaalnay Masjid, kadib dhiig aan sacab buuxinayn ayaa igaga daatay roogii masjidka, markaa ma nijaasbaa oo dadka waan usheegaa mise dhib malaha?
Jawaab:
Waa nijaas. Waa in la daahiriyo Masjidka, oo laga maydhoo dhiiggaas.
149. Dhiigga dadka ma la iibin karaa?
Jawaab:
Maya, lama iibin karo.
#Dahaarada
#Salaadda
#Soonka
#Ganacsiga_iyo_iibka
21,300
0
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
🎨 Sticker
17,600
0
0
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
137. Caruur agoon ah baa la iigu soo diraa lacag, markaa mararka qaar dhawr bilood ayaa lacagtii la isku soo raaciyaa. Tusaale ahaan: 300$ baa la iigu soo diraa oo la igu dhahaa bil walba 50$ ka sii, markaa haddii aan lacagtaas sii isticmaalo oo haddana aan bisha marka ay gaadho lacagtii biilkayga aan ka siiyo wax danbiya ma ku leeyahay?
Jawaab:
Ma banaana in aad isticmaasho, haddii aadaan fasax ka haysan ciddii soo dirtay.
137. Haddii aan nadar ku galo arrin in aanaan samayn waligay oo haddana aan sameeyo, kafaaratul yamiinki ma igaga filan tahay?
Jawaab:
Haa, way kaaga filan tahay.
138. Qofka haddii uu nabar ku dhaco oo caqligu tago, qaadiguna uu uxukumo Mag dhammaystiran, oo haddana caqligii usoo noqdo, xoolihii miyuu celinayaa?
Jawaab:
Haa, qaadiga ayaa dib loogu celinayaa oo dib uxukumaya.
139. Gaadhigayga qof baa iigu shaqeeya, markaa neefkii uu jiidho ama dhibtii uu gaysto, ma isagaa lagu yeelanayaa mise aniga?
Jawaab:
Waxa lagu yeelanayaa qofkii gaadhiga waday.
140. Haddii ninku uu marsado xinne madaw si uu cirrada ugu qariyo, gabadha uu guursadayna aanay ogayn. Ma iska fasakhi kartaa haddii ay ogaato in uu cirro leeyahay?
Jawaab:
Maya, cirradu kama mid aha waxyaabaha fasakhaadda keena.
141. Qofkii laangadhaha(jiis) ahaa haddii uu lug bir ah khufaynkii gashto ma masixi karaa?
Jawaab:
Haddii aanay lugtu jirin maya, oo masixid uma baahna, haddii lugta intii faralka ahayd wax ka hadhsan yihiinna inta kaga beegan birta uu masixi karaa.
142. Mararka qaar waxa aan mardayda hoose ka dareema ur kaadi oo kale ah, kaadina iskuma ogayn ee maxaan ka yeelayaa?
Jawaab:
Waxba ka soo qaadi maysid.
143. Gabadh baa waxa ay isku muday irbadda dhalmada kala fogaysa, kadib waxa ku dhacay dhabar furan. Markaa ma axkaamtii dhabar furanka ayay qaadanaysaa mise tii xaydka kol haddii iyadu ay sabab u ahayd?
Jawaab:
Haddii shan iyo toban maalmood uu dhaafay dhiiggu dhabar furan buu noqonayaa, axkaamtiisana uu qaadanayaa.
#Dahaarada
#Xuduudda_iyo_magaha
#Guurka
#Dhaaraha_iyo_Nadarka
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
131. Haddii aan ku nadro in aan soomo shan iyo toban maalmood oo aniga iyo caruurtaydu kala qayb sano ma iga gudayaa?
Jawaab:
May, waa in adigu aad soonto.
132. Waxa jira reero Gole samaystay dal iyo dibadba oo isku xidhan, waxa ay ku hashiiyeen in Sakada xoolaha iyo lacagtaba la aruuriyo oo hadhaw saas dadka loogu qaybiyo. Haddaba dadka ka shaqeeya waxay rabaan kharash oo baabuur ayaa shiidaal lagu shuban, markaa dadkaa ka shaqaynaya sakada wax ma ka qaadan karaan oo ma soo galayaan qoladii والعاملون عليها?
Jawaab:
May, ma soo galayaan, waxbana kama qaadan karaan sakada.
133. Lacag dhan 1200$ oo meel iska taala miyaa laga sakaynayaa?
Jawaab:
Qofka leh ayaa la eegayaa; haddii xoolo kale oo ganacsi uu leeyahay oo marka lagu daro sako-goys ay gaadhayaan waa laga sakaynayaa.
134. Haddii aan masaafaysto gabadh oo aan waligeeda ka fogeeyo guurkaasi ma ansaxayaa oo gabadhaasi xalaal ma ii tahay? Se wiilka ku dhasha xukunkiisu waa maxay?
Jawaab:
Arrintaasi waa xaaraan, gabadhaasna waligeeda oo la waydiisto ayuu guurkeedu ku ansaxayaa. Haddii se ay dhacday oo sidaas caruuri ku dhalato caruurtaas waa loogu abtirinayaa.
135. Meherkaygu haddii uu yahay 100g oo dahab ah, ninkuna aanuu isiin sako miyaa la igu yeelanayaa?
Jawaab:
Haa, haddii uu iska bixin karo hadda. Haddii aanuu iska bixin karaynna waa in aad sanadada xisaabiso oo hadhow marka uu ku siiyo aad ka sakayso, haddii aanay muddadu intay dheeraatay nisaabku is dhimin.
136. gabdho koox ah ayaan ayuuto(hagbad) isla galnay bil walba 50g oo dahab ah, markaa dahabka waa la dhoofinayaa, faa'idadii kasoo baxdana bishii labo qof ayaa qayb sanayaa. Haddaba dahabku mar buu kor ukacaa marna hoos buu udhacaa, markaa bil waxa lagayaaba in faa'ido la helo 50% oo ay 25/25 ukala qayb sadaan labada qof, bisha kalena faa'idadu noqoto 70% oo labo qof oo kale uqayb sadaan 35/35, markaa hagbaddaas xukunkeedu waa maxay?
Jawaab:
Sidaasi sax ma aha. Dahabkii marka la iibiyo la isku darsaday waa dahab lawada leeyahay; qof waliba lacagtii lagu iibiyay intiisa isagaa leh. Kii %35 laga qaaday %35 buu ku leeyahay.. Waa in qof kasta intii laga qaatay in lamid ah uu qaato faa'idada.
#Soonka
#Guurka
#Ganacsiga_iyo_iibka
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
Baraarujin:
Ku: ardayda dawrada fiqiga ku xidhan.
Su'aalaha si gaar ah ukhaseeya kutubta aad dhigataan, sida kalmad macnaheeda ama fasirka mas'alo gaar ah = waxa la soo dhigayaa golayaasha ardayda dawradu kuwada xidhiidhaan, oo halkaas baa la idiin kaga jawaabayaa.
Halkan su'aalaha fataawada ah uun baa loo gudbinayaa sheekha.
15,400
0
0
Fataawada Dr Khadar
ಏಪ್ರಿ 6,2026, 07:54 AM
126. Biyo Qur'aan lagu tufay in aan suuliga la galo oo aan ku maydho ma banaan tahay?
Jawaab:
Wax diidaya ma garanayo.
127. Ma waajibaa in labada gacmood waysada wajiga lagu dhaqo?
Jawaab:
May, waa sunne.
128. Salaaddii duhur ayaa iga tagtay kadibna salaaddii casar oo lagu jiro baan soo galay masjidka; labada salaadood tee baan horraysiinayaa?
Jawaab:
Tii aad doonto ayaad horraysiin kartaa, laakiin sida fiican waa in aad duhurkii kaligaa iska tukato, kadibna salaadda casar wixii aad ka soo gaadho jamaca la gasho.
129. Kitaabka tafsiirka gabadha caadada leh ma taaban karta ama se akhrin kartaa?
Jawaab:
Haa, haddii aanay Qur'aanka akhrinayn, waanay taaban kartaa haddii tafsiirku ka badan yahay Qur'aanka.
130. Salaadda jamaacada safka ma dhexdaa laga soo bilaabayaa mise midigta?
Jawaab:
Halka imaamka ku beegan ayaa laga bilaabayaa.
#dahaarada
#salaadda