Si aad u fahanto nolosha macnaheeda, waa wakhtiga aad leedahay ee aadan haysan. Ninka guul soo hoyn doona, daqiiqadda soo marta ayuu ka faa’iidaystaa. Mar kasta oo aan dadaalkeenna gelinno waxa aan doonayno, waxaan filaynaa inaan guulaysan doonno, hase yeeshee tani mar walba ma dhacdo. Gaaritaanka guusha waa geeddi-socod gaabis ah, waxayna u baahan tahay dadaal, go’aan iyo adkaysi si ay wax u hirgalaan.
Haddii aadan dhisan nolol, waxaad dhisi doontaa nolol qof kale. Barashada naftaadu waxay kaa caawinaysaa inaad barato sida aad u hoggaamin lahayd naftaada. I aamin, haddii ay naftu baaqi kugu tahay, waa hubaal inay is beddeli karto xaaladda aad ku jirto; ma aha mid lagu raagayo, waa imtixaan kaliya. Waxa uu kaaga baahan yahay waa inaad fahanto; ma adka, hana isku adkayn. Ma aha wax dhib badan, hana u joojin dhaqdhaqaaqa xanafta yar-yar ee ku soo gaadha inta aad ku jirto halganka. Maanta libinta cidna kama xigto.
Si ay noloshu meel qaayo leh uga soo muuqato, waxa ugu wanaagsan waa inaad faham buuxa ka haysato awoodda garashada kaalintaada nololeed. Ka soo ifbaxa kaalinta noloshu waxay kugu hagtaa inaad ka hayaanto galdaloolada noloshu ku horkeeni doonto. Irkig ayay ahaan doontaa noloshu haddii aadan faham dhammaystiran ka haysan. Ka haysashada fahamka noloshu waxay kaa caawinaysaa sida aad u noolaan lahayd.
Noloshu waa qiyam, fahamka casharrada ay xardhayaan. Qorrax walba oo soo ifbaxda waxay xanbaarsan tahay casharro kala jaad ah. Ninka aan garan waxa hadda taagan, ma garan doono waxa soo socda. Si aad u fahanto timaadda berri, waxay ku xidhan tahay taaganta maanta inaad qalinka ku duugto. Uma baahnid inaad noqoto kan ugu quruxda badan, ugu aqoonta badan, ugu caqliga badan, ugu xoolaha badan, ugu dadaalka badan, ama ugu fursadaha badan, si aad u noqoto kan ugu tayada badan ee ugu horreeya majaalkiisa. Qofka aan garan sida nolosha loo qeexo, ma garan karo sida nolosha loo fahmo.
Ceelka uu qof waliba haysto, oo aanay jirin cid la maamushaa, waa garaadkiisa. Ruuxa aan garaadkiisa adeegsan wuxuu nolosha ku dhammeeyaa eedayn iyo dibjirnimo. Darajo ma aha in la yeesho ahanti nolosha, balse sida saxda ah ee ay darajadu macno u yeelanayso waa inay jirtaa waddo aad bidhaamisay. Mufakarnimada in lagu noolaado darajo u yeeshaa waa wax soo kordhin.
Ilaahay wuxuu tilmaamay in caqliga laga shaqaysiiyo. Waa in la heli karaa waxa saldhigga u ah habsami-u-socodka nolosha ee qiimo u yeelanaya. Wax taxliilinta, si ay waxgal u noqoto, waa in garaadkaaga la dhaamiyaa; garaad madhan waxba ma iftiimin karo. Isku daygu waa uu ka wanaagsan yahay bilaa isku day. Dadnimadu waa salaanka nolosha ee la adkeeyo. Sida caadiga ah, in la iska noolaado waxa ka muhiimsan in loo noolaado ujeeddo, kana duwan nolosha qiyaaliga ah. Si loo helo nolol ka baxsan nolosha caadiga ah ee wax-ma-garatada ah, waxa ugu muhiimsan ee la doonayaa waa in la helo qiyam dhisan, kana madhan ujeeddo la’aan.
Koritaanka shaqsiyadeed waa sida loo abaabulo hab-fekerka iyo sida wax loo hal-abuuro. Isku daygu wuxuu ka darajo sarreeyaa iska noolaanshaha caadiga ah. Iyadoo boqolaal jeer lagu fashilmo, hal-abuurku wuu ka qurux badan yahay wax-qabad la'aanta. Xaqiiqada fahamka noloshu waa iska xirka irdaha hunguriga uu hoggaanka u hayo. Qofka doonaya in nolosha la gardhigto waa inuu ka xuubsiibtaa in hungurigiisu hoggaamiyo. Waxyar oo la cuno iyo wax badan oo la hawlgalo ayay noloshu macno ku leedahay. Dhuunta wixii aynnu dhaafin lahayn, haddii aynnu ka fekerno waxa lumaya waajibka nolosha innaga saaran. Si loo helo ka jawaabidda waajibka nolosha, waa in la iska xidhaa irdaha dhuuniga hoggaanka u hayyo.