هنوز هیچ نظری وجود ندارد. اولین نفری باشید که نظر خود را به اشتراک میگذارید!
آخرین پستها
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
🎥 Video
Duullaanka reer galbeed & loollanka ka muslimiin ahaan innaga dhexeeya ee aynu isku hayno, ee ay tahay in aynnu meesha ka saarno Islaamnimo kaliya ma aha, balse waa dagaal bani aadamnimo, dagaal dhaqan & abuur ku salaysan.
Waxa dabada laga riixayaa intaas oo mashruuc oo dhammaantood diin la’aan iyo dhaqan xumo horseedaya, Feminism, Secularism, Liberalism, Lgbt & intaas oo mashruuc oo kuwan ka farcama, ha noqoto cunsuriyadda caddaanka oo qoladaas Secularismku ay wadwataan, ha noqoto Liberal valueska oo ka inna ragaadiyay ah.
لو كَان ثمّة نبي بعد بَبينا ﷺ لبعثه الله عزّ وجل في هذا العصر.
الشيخ عبدالعزيز الطريفي فك الله أسره.
715
4
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
ٰ
ذِكر الله عز وجل يُذْهِب عن القلب مَخَاوِفَه كُلَّها🤎🤎🪶.
- ابن القيّم
507
6
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
Labadan aayadood ee ka mid ah suuradda An-naxli, waxa uu Alle inooga warramay noloshan aynu ku noolnahay ee adduunyo in aynaan isku hallayn, balse aynu ka dhiganno meel aynu uga sahay qaadanno nolosha danbe ee aakhiro.
Ilaahay (sbw) isaga oo innooga digaya isku hallaynta dhaldhalaalka adduun ayaa uu inna leeyahay; waxa agtiinna ahaaday ee raaxo & dhaldhalaal adduun oo dhan way tegayaan, waxa Alle agtiisa ahaaday ee janno & nicmadeed ahna way hadhayaan oo sii jirayaan, kuwa ku sabray samaha & wanaagga samayntiisana waanu ku abaal marinaynaa.
Aayadda ku xigta ayaa Ilaahay ballan inoogu qaadayaa isaga oo innagu dhiirrigalinaya in aynu dedaalka badinno oo sahay qaadanno isaga oo inna leh ; qofka sameeya camal san, lab & dheddig midka uu doono ha noqdo’e, isaga oo Alle rumaysan, waxa aanu ku noolaysiin doonnaa nolol wanaagsan oo dhinac walba ka qancisa oo khayr oo dhan wadata, sidoo kale waxa aannu ku abaal marin doonna nolosha danbe ( aakhiro ) wanaag & janno aan la tilmaami karin.
Qofkaas waxa Alle uu dhaxalsiinayaa labada daaroodba nolol wanaagsan in uu ku noolaado.
Qur’aanku dhugasho ayuu u baahanyay Alle ha inna garansiiyee.
658
5
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
📎 File
609
0
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
من لازم القرآن تلاوة وفَهماً وتدبّرًا ؛
كان أشرح الناس صدراً، وأطيبهم نفسًا،
وأنعمهم قلباً، وأقبلت عليه
سحائب الخيرات من كل ناحية 🌨️🍃"
588
0
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
Saddexdan aayadood waxa ay soo koobayaan saddex marxaladood oo tilmaamaya Cilmiga, Awoodda, iyo Naxariista Alle (sbw) kuwaasoo ay tahay in aynu ku mahad naqno oo rumayno :
1. Aayadda 1aad waxa uu Alle kaga warramayaa abuurkeenna & in uu arlada ina keenay innaga oo aan waxba garanayn, kaddibna uu ina siiyay xubnihii aynu wax ku garan lahayn (maqalkii, araggii, iyo caqligii ) si aynnu dunida u baranno.
2. Aayadda 2aad waxa Alle uu innagu tusinayaa awooddiisa, waynidiisa & maamulkiisa, isaga oo innagu tusinaya in Shimbiraha hawada dhex mushaaxayaa ay yihiin daliil inna tusaya in nidaamka dunida & maamulkeedu uu Alle gacantiisa ku jiro, sida uu isagu rabo uu wax u maamulayo.
3. Aayadda 3aad waxa uu Alle ka warramayaa nicmo ay tahay in aynu ku mahad naqno oo dareenno, taas oo ah in Alle ina siiyay hoy & degaan aynnu ku xasilno, sidoo kale inoo sakhiray nicmoolayda ( Geela, Lo’da & Adhiga ), kuwaas oo Alle innoogu sakhiray in aynu u adeegsanno haraggooda hoy & guryo, sidoo kale weel & agab kale, kuwaas oo la adeegsado waqtiyadaa la deganyahay & waqtiyada la guurayo labadaba.
Qur’aanku dhugasho ayuu u baahanyay.
600
9
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
🎥 Video
479
0
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
كل لذة دون الجنة فانية
وكل بلاء دون النار عافية.
اللهم إنا نسألك رضاك والجنة ونعوذ بك من سخطك والنّار🤲.
723
14
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
🎥 Video
489
0
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۲:۳۹
Waxyaabaha aad arkaysaan ee la caadiyaynayo waa mashaariic waawayn oo loogu talo galay in dagaal ba’an lagu qaado dhaqanka, anshaxa & akhlaaqda toolmoon.
Duul bahdilan oo lasoo abaabulay oo bulshada qaybaheeda kala duwan ku jira, oo madax & mijaba leh ayaa qayb ka ah.
Waxa la doonayaa in layna dhaqan rogo, ummadaha marka la baabiinayo ee jiritaankooda la xuub siibayo waxa laga abbaaraa waa dhaqanka, anshaxa & ku dhaqanka diinta.
Dagaal ba’an ayaa inoo ballan ah, calmaanigeeda, feministeeda, diin laawaheeda.
866
12
0
Zuldaanka 🌸
۱۴ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۳:۴۵
https://www.facebook.com/share/v/1J4s3NCLh6/?mibextid=wwXIfr
عندما أعدت بناء الإنسان، أعدت بناء العالم.
Goorma ayaynu noqonaynnaa bulsho dhisan, bulsho u diyaarsan in ay dunida wax la qaybsato, bulsho dhalinteeda dhista oo maalgashata, bulsho is horumarisa oo wax soo saar yeelata?.
Bulshada marka la dhisayo ee la doonayo in ay kasoo baxaan dad dhisan, oo wax soo saar leh, oo aragti & fikrado curiya, oo hal abuur la yimaadda, oo hoggaamin san yeesha, waxa ay ka dhisantaa waa aqoonta & waxbarashada & da’yarta ( dhalinyarada ) ay haysato.
Marka aad eegto waddankeenna & guud ahaan waddamada dib u dhucu ku badanyahay oo dhan, laba daraf ayaa lagala dagaallamaa oo laga curyaamiyaa si aanay uga soo bixin bulsho dhisan; waa aqoonta ( waxbarashada ) ; & dhalinyarada.
• Bal labadaas xaaladood wadankeenna eeg, aqoon ahaan waynu liidannaa, oo waxa aad ka garanaysaa manhajkeenna waxbarasho, waana ta keenaysa in aan mudnaan la siin.
• Dhalinteenniina u fiirso, waxa lagu mashquuliyay wax aan diin & duunyo midna wax ka tarayn, in siyaasad madhalays ah ku fooggan, in balwado ragaadiyeen, in nidaam xumo & qabyaalad awgeed waddanka uga baxday, in fikrado gurracan & diin xumo daandaamisay, wad uun …
Ila soo dhegayso lecture-kan uu Sh Mustafe X. Ismaaciil galay 6 sano ka hor.
689
Zuldaanka 🌸
۱۴ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۳:۴۵
https://www.facebook.com/share/v/184L4tJabj/
Khadbaddii Jumcaha.
Sh Mustafe X. Ismacil.
وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ (118) إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمْ ۗ وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ (119).
سورة هــــود.
Muslim ayaynu nahay oo shirki kuma jirno, la ilaha illa allah ayaynu dhammaanteen wada leennahay, dhul qudha ayaynu wada degannay, midab qudha ayaynu wada leennay, dan qudha ayaynu wada leennay, cid innagu jirta oo rabta in la guul darraystaa ma jirto.
Maxaynu wada raadinaynaa?
Maxaa danteennu ku jirtaa?
Maxaa islaaxeennu ku jiraa?
Sidaynu muranka u yarayn karnaa?
Fg.
Khudbaddan & khudbadaha ku xigi doonaa insha Allaah qof kasta waa u dan, madax, siyaasi, salaadiin, cuqaal, wax-garad, aqoonyahan, abwaanno, culimo, arday & qof kasta oo bulshadeenna ka mid ah.
Idinkuna dhagaysta, inta kale ee madaxda & inta magaca leh ugu horreeyanna gaadhsiiya.
797
3
Zuldaanka 🌸
۱۴ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۳:۴۵
📷 Photo
Aynu nafaheenna sunnada waafajinnee, salaadaha sunnaha ah ee la socda salaadaha waajibka ah, waxa wanaagsan in aynu guryaheenna ku tukanno.
Maadaama Shaqo & hawl adduun lagu mashquulsanyahay, saddex salaadood sunnayaasha ka horreeya amma danbeeya ku dedaal in aad guriga la tagto oo aad ku tukato.
1. Salaadda Subax.
Ku dedaal in aad kacdo waqti hore oo kuu suuro-galin kara in aad labada rakcadood ee sunnada ah aad ku tukato guriga, kaddibna aad masjidka u aaddo salaadda faralka ah.
2. Salaadda Duhur.
Laga yaabaa in labada rakcadood ee ka horreeya aan guriga la haleelin, oo shaqada & masjidku isa saaranyihiin’e, marka aad duhurkii soo qado tagayso sunnahana u dib dhigo oo guriga ku tuko.
3. Salaadda Cishe.
Waxa wanaagsan in salaadda cishe labada rakcadood ee sunnada ah ee ka danbeeya iyagana aad guriga ku tukato marka aad timaaddo, sidoo kale haddii ay kugu adagtahay in aad xagga danbe ka kacdona, aad witrigaaga raaciso 3 rakcadood amma hal rakcad.
542
Zuldaanka 🌸
۱۴ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۳:۴۵
🎥 Video
435
0
0
Zuldaanka 🌸
۱۴ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۲۳:۴۵
𝗛𝗮𝗹 𝘀𝗮𝗮𝗰 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗶𝗶𝗱𝗮𝗮𝗹 𝗮𝗵
Marka aan wahsi dareemo, hawl aan hayay gaabis ku sameeyo, dhigane aan akhrinayay segsaag iga galo, qorshe aan dejiyay in aan dhammaystiro uu caajis igaga yimaaddo, shiidaalka aan qaato goortaas ee aan si deggan u dhegaysto, dhugto oo dhuuxo, marka aan dhammaystana aan dardar ka qaado, sidii qof hurdo ku filan seexday intoon soo baraarugo hawlihii ii dejisnaa ku foofo kana midho dhaliyo, waa muxaadarada uu galay 𝗦𝗵 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗲 𝗫𝗮𝗮𝗷𝗶 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 dhawr & toban sano ka hor, ee uu kaga hadlayo 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗶𝗻𝗮 𝘀𝗶𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝗮𝘆𝗻𝘂 𝗱𝗮𝘆𝗮𝗰𝗻𝗮𝘆.
Runtii waxa aan hubaa haddii aad muxaadiradaas dhegaysato, adiga oo si dhammaystiran u dhuganaya oo dareemmadaadu soo wada jeedaan, waxa aan hubaa in wax badani iska kaa beddalayaan, quful & silsilado kugu jabnaana laga yaabo in ay kaa furfurmaan.
Cibaadada haddii gaabis kaaga jiro waad is beddeli, akhriska haddii caajis kaaga jiro waad ka bixi, xifdiga haddii culays kaa haysto wuu isu kaa furi, ku celcelinta haddii aad ku dhib qabto way kuu macaanaan, dhinac kasta oo awoodaha Alle ku siiyay ka mid ah qufulka ku xidhan, idan Alle wuu is furayaa haddaad dhaqan galiso oo ka faa’idayso.
Muxaadarada oo dhammaystiran ka daawo Youtubeka :
https://youtu.be/C9gOqVz3JAI?si=ipzCmexNYoEN9LNa
582
Zuldaanka 🌸
۱۰ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۱۵:۲۹
📷 Photo
Mid ka mid ah dadkii suubbanaa ayaa ku duceysan jiray:
“Allow ii barakee rizqigayga.”
Kaddib waxa la weydiiyay: “Maxaad u odhan weyday: Allow i arzaaq oo arzaaqad isii?”
Wuxuu yidhi: “Ilaahay ayaa u dammaanad qaaday rizqiga noole kasta oo nool, balse anigu waxa aan waydiisanayaa in uu ii barakeeyo rizqiga.
Barakadu waa ciidan qarsoon oo ka mid ah ciidammada Ilaahay, oo uu u diro cidda uu doono. Barakadaasi dhinac kasta oo ay ku degto oo ay haleesho way barakaysaa :
• Maalka & Xoolaha way badisaa.
• Ubadka & Ooriyaha way hagaajisaa.
• Jidhka way xoojisaa.
• Qalbigana way farxad gelisaa.
Ku ducayso in Ilaahay Quudkaaga Xalaal ka dhigo, kuuna barakeeyo Riziqaaga nooc uu yahayba.
535
Zuldaanka 🌸
۱۰ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۱۵:۲۹
Qaylada, cabaadka, werwerka & walbahaarka ka yeedhaya gumaystaha, runtii waa qalbi doogsi & farxad.
Ilaahay waxa aan ka rejaynayaa in uu u badiyo, intii ay reer falasdiin ka jareen milyan laabkood Alle ha dhadhansiiyo.
وصدق الله إذ يقول : ( وَكَذَلِكَ نُوَلِّي بَعْضَ الظَّالِمِينَ بَعْضًا بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ ).
782
7
0
Zuldaanka 🌸
۱۰ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۱۵:۲۹
📷 Photo
Akhyaareey nabad & naxariis Ilaah.
Waalidkaagu inta uu noolyahay ayaad ku janno heli kartaa, samafalkooda, adeeciddooda, ka farxintooda, ka war hayntooda, la sheekaysigooda, u dabacsanaantooda & wanaag kasta waxa aad u qaban kartaa inta ay nool yihiin ee ay ku ag joogaan, markaas oo ducadooda toos aad u helayso labada daaroodba ♥️.
Balse marka ay geeridu idin kala kaxayso waxba kuu tari mayso, iyagana u tari mayso oohinta & calaacalka & is ciil kaambigu, & wixii aad dayac ama adeecid la’aan aad samaysay, aan ka ahayn duco & sadaqo labada jeerba ay kaa mudnaayeen.
Allahayow nagu arsaaq u dhibirsanaanta waalidka🤲.
رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا 🤲♥️.
752
Zuldaanka 🌸
۱۰ اردیبهشت ۱۴۰۵، ۱۵:۲۹
📷 Photo
Reer Hargeisa & nawaaxigeeda maanta waxa sagootiyay tiir aad u wayn oo la tebi doono.
Waxa maanta sagootiyay Hargeisa Sh Dr Maxamed Yaxya Al-ahdal oo runtii jiil badan oo ehelu Qur’aanka ah Ilaahay gacantiisa sabab uga dhigay oo soo saaray, qaarkood Qiraa’aatka ay qaateen, kuwaas oo qaarkood ay gayiga soomaali degto u kala fideen oo hadalka Rabbi ay iyagu sii baraan dadka.
Waa murugo marka caalimkaas oo kale kaalintiisu kugu bannaanaato, Ilaahay haka abaaliyo dedaalkii, aqoontii & wanaaggii uu qabtay & jiilalkii kala danbeeyay ee uu soo saaray intii uu joogay Hargeisa, halka uu qabtana Rabbi haku sugo, wanaagaasna Rabbi jannooyinkiisa hakaga abaaliyo.
ربي إن هذه المجموعة مليئة بأشخاص لا نعلم ظروفهم ولا حاجتهم ولا نعلم ما في قلوبهم...
ربنا تقبل دعواتنا لأعضاء هذه المجموعة وأهاليهم و والديهم:
❄️ اللهم من كان منهم مريضا فإشفه
❄️ومن كان مبتلى فعافه
❄️ومن كان محتاجا فإقض حاجته
❄️ومن كان مهموما ففرج همه ونفس كربه
❄️ومن كان مدينا فاقضي دينه وارزقه رزقا حلالا طيبا
❄️ومن كان يريد الذرية فأرزقه الذرية الصالحة
❄️ومن كان في نفسه حاجة لا يعلمها إلا أنت فيسرها
❄️وإختر له ما هو خير ، ولا تردنا خائبين يارب العالمين.
❄️ اللهم اجعل أعضاء هذه المجموعة وأهاليهم و والديهم:
❄️من الكوثر يشربون
❄️ومن الحرير وسندس يلبسون
❄️وفي قصور الجنة يمرحون
❄️ومن فاكهتها وثمارها يقطفون
❄️ومن أبوابها الثمانية يد خلون
❄️ وفي جنة الفردوس يتنعمون
❄️وبأهليهم وأحبتهم يلتقون
❄️وبرضى الرحمن يفرحون
❄️وبجوار خير الخلق يسكنون
❄️وبرؤية وجه الله الكريم يفوزون
❄️امين يا رب العالمين
❄️ اللهم اغفر لنا ولوالدينا ولجميع المسلمين والمسلمات والمؤمنين والمؤمنات الأحياء منهم والأموات
دعواتكم لنا ولكم بالمثل يارب.
اللـهـم آميـــن
24 Ramadaan 🌙.
Shalay waxa aynu lahayn jimcihii ugu horreeyay ee Ramadaan, innaga oo faraxsan oo soo dhawaynayna, maantana waa Jimcihii ugu danbeeyay.
Sidaasuu waqtigu u ordayaa, qof kasta & wixii uu horumarsaday.
Ilaahay ha innaga dhigo kuwii uu u dambi dhaafay ee uu naarta ka xoreeyay, dharaaraha kooban ee bisha ka hadhayna khayr & wanaag ha inoogu dhameeyo.
Ilaahay ayaynu Cafis waydiisanaysaa isaga ayaa naxariis badane ahe.
Nabiga ku salliya ﷺ.
845
10
0
Zuldaanka 🌸
۲۹ فروردین ۱۴۰۵، ۱۷:۴۳
Akhrinta Qur’aanka & dhegaysigiisu waa dikriga ugu awoodda badan ee qalbiga dejiya, toosiya, ee qofku uu caafimaad iyo firfircooni ka helo.
اللَّهُمَّ إِنَّكَ عَفُوٌّ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّا ♥️
797
9
0
Zuldaanka 🌸
۲۰ فروردین ۱۴۰۵، ۱۷:۱۵
قال العلامة ابن عثيمين رحمه الله:
ويؤثر عن عمر بن الخطاب رضيَ الله عنه كلمة نافعة جدًا، وهي قوله:
( مَنْ بُورِكَ لَهُ فِي شَيْءٍ فَلْيَلْزَمْهُ ).
يعني إذا عمل الإنسان عملًا ورأى فيه البركة والثمرة فليلزمه.