📌Dhamaanteen waxaynu sidnaa culaysyo aynaan qaadi karin.
Culayska natiijadii ka dhalatay go’aanadii aynu qaadanay sanado ka hor, inagoo aan garanayn sax iyo qalad waxay ahaayeen, oo aynaan haysanin caqliga ama cilmiga aynu hada haysano.
Waxaynu wali sidnaa culayska natiijadii ka dhalatay dadkii aynu siinay kalsoonideeni, iyagoo ahaa kuwa aan u qalmin kalsoonideena.
Waxaynu sidnaa culayska natiijadii ka dhalatay jidadkii aynu qaadnay, inagoo aan waxba ka ogayn halka ay ina geyn doonaan, oo aynaan ka fiirsan.
Dhamaan culaysyadaas oo dhan waxaynu u sidnaa waa doqoninimo, waayo xiligaas waxaynu isku dayaynay inaynu qaadano go’aamo sax ah, doorano dad sax ah. Waxaynu samaynay wixii aynu awoodnay.
Sida aynu waqtigaas ahayn hada ma nihin; waynu kornay, Waxbaynu fahannay, Noloshu waxay ina siisay oo ay ina bartay casharo aynaan dalbanin.
Nafteenii ahayd mid ka hesha farxada inay si xad dhaaf ah u daryeesho dadka kale, eega waxay baratay inay qiimayso kii qiimeeya oo keliya farxadeedana cidna ayna ku xidhin ee ay iyadu samaysato.
Nafteenii aaminsanayd in
ilmadu tahay daciifnimo, hada waxay baratay in ilmadu aanay ahayn jilicsanaan, ee ay tahay wax lagu nafiso oo dareenka gudahaaga ku gubanaya kaa soo saaraysa.
Si tartiib tartiib ah, noloshu waxay inoo bartay casharo aanu qalbigeenu dalbanin
Si tartiib tartiib ah, waxaynu ufahanay in naxariista, jacaylka, aqoonta, iyo daacadnimada aanay dadka qaar u qiimaynin sida aaynu inagu u qiimayno.
Waxaad bilawday inaad isbedasho, adigoo aan rabin, lkn ay qasab kugu noqotay inaad isbedasho.
Waxaad baratay luuqada masaafada, xakamaynta dareenkaaga, awooda ay leedahay aamusnaantu, iyo ka tagista marka joogitaanku aanu wax macno ah kuu lahayn inuu uu nabadaada ka qaado mooyee.
Sidoo kale waxaad baratay goorta ay tahay in horay loo socdo, iyo goorta ay tahay in dib loo gurto.
Waa inaad ka baxdaa ciqaabta dib u milicsiga tagtadaada, oo aad joojisaa su’aalahan maskaxda ku fadhistay:
Sideen u arki waayay waxaas?
Maxaan halkaas u joogay mudo dheer?
Maxaan qofkaas ugu kalsoonaaday?
Maxaan go’aankaas u qaatay?
Waan ka fiicnaan lahaa halka aan maanta joogo hadii aan waxaas samayn lahaa.!
Lkn waqtigaas ma aadan lahayn fahamka aad hada haysato, iyo cilmiga aad hada haysato.
Khibrada iyo waayo-aragnimada waxaa la helaa khaladaadka iyo fashilka ka dib, xikmadana waxaa la helaa marka aad ka gudubto caqabadihii kula soo darsay.
Go’aanadaas aad qaadatay ma ahayn guul-daro. Waxaad ahayd arday ku jira cashar ay noloshu siinayso, waqtiguna tarbiyadaynayo.
Waxaad heshay faham, cadayn, xikmad, iyo waayo-aragnimo.
Ilaa iyo hadana nolosha casharadeeda wali kamaadan qalinjabinin; wali arday ayaad u tahay nolosha.
Ee naftaada cafi, iska daji culayskaas, waxbaad baratay, waad kortay, ugu danbayna weli waad nooshahay.
والسلام🩷