BOGGAYGOOW RAALLI NOQO💔
Waan hubaa waad u xiisi doontaa nugaylkaygii, daacadnimadaydii, kalsoonidaydii, kartidaydii, samirkaygii, ixtiraamkaygii, dhowriddayda, dhaqaalayntaydii, hibayntaydii, hadal samidaydii, hiigsiga iyo hankii aan ka lahaa wada jirkeena.
Waxaad ka qoomamayn doontaa waayi taankayga iyo sida aad u sahashatay kanshihii aan kuu hibeeyay.
Iguma cusba in la igu caasiyo, se waxaa igu cusub in cudurdaarka ka muhiimsanaado qiimaha caashaqa.
Waan kuu duceeyay darteey ha mudan ciil iyo caro. Hal dardaaran ayaan kuu reebayaa ogow fursaddu in ay ka muhiimsan tahay hantida iyo hammigeenna. Wax la qasaariyana waxaa ugu daran qalbi si dhab ah kuu jeclaaday, maxaa yeelay ma heli doontid xurmada iyo xiisaha xad dhaafka ah ee uu kuu hayay ruuxaasi.
Ma rabo inaan wax kaa waydiiyo ballan qaadyadaadii, se waxaan kuu dardaarmayaa in aadan dabadeey cid ku dareen galin wax aadan damaanad qaadi karin.
Aniga waxaan ahay qof adag oo yaqaan sida looga badbaxo caqabadaha, daruufaha iyo dareenka lagu cidleeyo. Waxaan garanayaa sida la isku booga dhayo ee aan loo jabin naf ka maarantay naftayda. Markasta oo aan kadisyadan la kulmana waxa ii sii furma boqolaal fursadood iyo faa'iidooyin dartaa iiga xanibnaa. Xorbaan ahay taqaan xakamaha nafteeda.
Waan aamminsanahay qaddarka, calafka iyo is waaga, se ma aamminsani qorsho la'aanta qiil raadinta iyo qancinta aan dhabta ahayn.
Aniga oo awoodo in aan dumar badan la haasaawo ayaan adiga isku kaa koobay mataqaan sababta ma aha kaliya in aan kuu daneeynaaye ee aniga ayaa aan rabin in aan ku ciyaaro dareemada dadka iyo damiirka ruuxda i rabta. Waligeey waxa aan ahaa daacad waana ahaan doonaa, maba rabo in la ugu tuhmo luggooyo iyo waqtu lumis. Taariikhdayda laguma hayo cid aan qiyaannay xitaa cid aan u carab laalaadiyay aniga oo aan si dhab ah wax ula wadin, se abaalgud fiican kama helin dhammaan kuwii aan aamminay marka laga reebo in daruuf iyo danno iga kaxeeyeen mooyee.
Maskaxdayda ayaa i tiraa qaladka ugu wayn ee aad gashay ayaa ah in aad si fudud wax u aamminto, se qalbigayga ayaa u jawaabay oo ku yiri wax aan wanaagsanayn ma rejeeyo maxaa yeelay maladayda ma xummaato marnaba dhacda kasta iyo dhibkastaba.
Addoon baan ahay ku faraxsan nolosha iyo nimcada Eebbe siiyay, awoodda qiraalka iyo qeexidda qaladaadka ka dhaca hareerteeda iyada oo aan cidina uga baqan. Dadku waxa ay yiraahdaan siraha waa la qariyaa, se ma oga in ay jiraan siro muhiim ah sheegiddooda si loo saxo eelka iyo iimaha ay reebaan.
Qalinkaygu waa garsoore naftayda iyo nafaf kalaba u hadla, waa quwadda kaliya ee aan iiga baahnayn shidaal iyo amar qaadasho bannaanka ah.
Ku bishaarayso in aanan ooyi doonin, in aan niyad jabi doonin, in aanan aammin bixi doonin xitaa in aanan quusan doonin, maxaa yeelay dareenkayga uunbaa kugu xirnaa ee dadnimadayda kuuma xirneen.
Jacaylka iyo farxadda waxa ay biya dhigteen kashayda cidkasta oo aan garan qiimahaasna, iyada ayaa qulquli doonta, ruuxii fahmana isaga ayaa qurqurin doona.
Iska daa kashayda e, korkayga ayuu ka muuqdaa jacaylka, indhahayga ayaa aadna ka akhrisan kartaa. Waxa aan kuu rejaynayaa hankaaga adduun inuu kuu hirgalo anna waxa aan isu rejeyn kayga nololleed in uusan iga habsaamin Eebbe idankii.
Qosolka dibnahayga yaal
Intaan qariyaa ka badan.😭
Nabadgalyo, iga saamax intii aan waqtiga kaa qaaday, intii aad darteey u bixisay iyo dhammaan waxkasta oo xaggayga kaaga qabyoobay.
U nooloow nasiibkaa ka nooloow dhankayga.
Waxaan u hibeeyay qormadaan qofkasta oo si fudud looga tagay lagana doortay waxyar oo bilaa macnaa.
Bishaaraysta janno waa dambaysaa, Eebbe idankii.
Boggaygoow raalli noqo.❣❣❣❣❣❣❣.