Afarta Caqabadood ee Inaga Hortaagan Inaan Wax Akhrino oo Xasuusano
Dhalinyaro, ma isweydiiseen sababta ay inoogu adag tahay inaan waqti dheer wax akhrino ama aan xasuusano wixii aan akhrinay? Ujeeddada ugu weyn ee wax loo akhriyo waa in la fahmo, la xasuusnaado, oo mustaqbalka nolosheena ay wax ka beddesho.
Haddaba, waxaa jira caqabado casri ah oo ina haysta. Waa kuwan laba ka mid ah kuwa ugu waaweyn:
1. Daadka Dijitaalka ah (Digital Deluge) β Daadka Xogta
Runtii, xogta (information-ka) maanta dunida taal ayaa aad uga badan waqtiga aan haysanno. Waxay la mid tahay sidii inaad isku dayeyso inaad biyo ka cabto tuubo oo si xawli ah ku socota.
bal qiyas Tuubadaas xooga u socota haddii aad isku deydo inaad wax ka cabto , ilaa intee biyo le,eg ayaad cabi karataa ? ,ma lagasa yaabaa inaaad ka dharagto ?.
Dhibaatadu waa maxay? Waxaad haysataa waqti iyo tamar kooban, laakiin xogta kaa hor imaanaysa weligeed ma istaagto. Baraha bulshada (social media) marnaba ma istaagaan. Qofka kaliya ee daalaya ee maskaxdiisu culayska dareemayso waa adiga. Mar kasta oo aad quudato xog badan, waa mar kasta oo ay maskaxdaadu daalayso, taasina waxay kugu keenaysaa daal joogto ah, xitaa haddii aadan wax shaqo ah qaban.
Sidee dareenkeedu yahay? Tani waxay keentaa culays, walwal, iyo walaac, sidii inaad ku dhex maashayso badweyn macluumaad ah oo aadan maarayn karin.
2. Jeedsashada Dijitaalka ah (Digital Distraction) β Mashquulka Joogtada ah
Ka soo qaad inaad buug akhrinayso, laakiin 10-kii ilbiriqsiba mar uu qof ku siinayo hal xabbo oo nacnac ah.
Dhibaatadu waa maxay? Sidaas oo kale ayay baraha bulshadu ula dhaqmaan maskaxdaada. Markasta oo aad βscrollβ ku samayso TikTok ama Instagram, maskaxdaadu waxay helaysaa xoogaa raaxo degdeg ah oo daqiiqado ah (sida nacnaca oo kale). Maskaxdu waxay la qabsanaysaa raaxadaas degdegga ah, waxayna lumisaa awooddii ay diiradda u saari lahayd hal shay muddo dheer.
Sidee dareenkeedu yahay? Markaad isku daydo inaad samayso wax u baahan fikir dheer (sida wax akhris), maskaxdaadu way diidaysaa, waxaanad dareemaysaa caajis degdeg ah, walwal, iyo niyad-jab. Sababtoo ah waxaa la baray inay hesho macluumaad gaagaaban oo madadaalo leh, ee looma Tababarin inay samir u yeelato fikirka qotada dheer .