No reviews yet. Be the first to share your experience!
Latest Posts
CILMI IYO AQOON CHANNEL
May 19, 2026, 04:22 PM
Maxad ka taqaana habka loo so celiyo ciwaanada baraha bulshada ee la jabsado?
Xaqiiqada koobad ay tahay inaad ogaato waa in qofku si walba oo uu khabiir ugu yahay hacking ka ama uu ubarto cybersecurity hadana hadii la jabsado ciwaankiisa baraha bulshada way adagtahay ama maba awoodo in uu so ceshado.
Sababtuna waa wax kaliya ee socialmedia platformska lagu jabsan karo waa phising links hadii aad u dirtid qofkii ka jabsadey ma raacayo oo xogtiisa ma gelinayo sababtuna waa hadii uu mar kaga ku jabsadey in uu fahansanyahay waxaba.
Qofka barta cybersecurity wax badan buu awooda waa laga yaaba in uu taleefankaga gudaha u galo ama uu jabiyo waxwalba xogahana la baxo lakiin si toos ah uma jabsan karo apps ka caanka ah sida facebook oo kale waayo shirkadahani waxa ay haystaan kumanan qof oo kaliya u fadhiya ilaalinta iyo si aan vulnerability looga helin systemkooda, markan intaas ka imaano, qof walba waa so ceshan kara ciwaankiisa hadii laga jabsado muhiimna maaha in uu aqoon u leeyahay cybersecurityga.
Marka koobad shirkad walba waxa ay leedahay website ama page la dhaho help center kaas ayaad booqan waxa aad dooran option ka ah in aad doonaysid inad so ceshato ciwaan laga jabsadey waxadna buuxin formka shirkadas badana waxa ay ku waydiinayaan su,aalo yaryar si ay u xaqiijiyaan in aad adigu tahay qofka dhabta ah ee leh ciwaankaas
Su,aalahas waxa kamida inad galiso numbers aad horey u isticmaali jirtey,gmails,aad galisid qaar ama mid kamida passworks aad u isticmali jirtey intii u samaysnaa ciwaankaas waxa kale oo lagu waydiin in aad xustid ugu yaraan 5 saxiib oo kamida freindskaga platform kaas marka aad formkas dirtid waxa lagugu so jawaabi 2 ilaa 3 todobad , hadii shirkadu xaqiijiso waxa lagu so diri link aad ku samaysatid password cusub si aad ciwaankaga gudaha ugu gashid hadii kale oo lagu xaqiijin wayana waxa lagu odhan isku day mar kale.
Halkan ka booqo oo ka buuxi help centerska shirkadaha wawayn.
facebook help center:- https://www.facebook.com/help
instagram help center:-
https://help.instagram.com/
tiktok helpcenter:-
https://support.tiktok.com/en/
twitter help center:-
https://help.twitter.com/en
Mohamed Sharif Muktar
1,650
7
0
CILMI IYO AQOON CHANNEL
May 19, 2026, 04:22 PM
π· Photo
Kalsoonidu waa marka aad wajihi karto cabsida Lkn aadan dareemeynin.
β
Simcard Cloning
Simcard Cloning waa mid kamida xeeladaha tuugnimada kaas oo halis ah dhanka kalena sharci daro ah wana nidaam simcardka looga dhigayo labo. si kale simcardku shay ahaan waxa uu noqonaya halka mid ee kugu jira taleefankaga halka uu system ahaan laga dhigayo dhowr simcard iyada oo la copyaynayo xogta simcardka laguna shubayo simcard kale oo madhan ama aan lahayn wax number ah oo uu ku diwaan gashanyahay
Maxa dhacaya hadii simcardka Cloning lagu sameeyo?
Wax walba oo simcardkas ka dhacaya waxa la soconaya qofka sameeyay farsamadas ,marka uu simcardkaasi so dhaco kan clone ka ahina waa so dhici markad qabatid kan kale si automatically ah ayuu isku qaban oo waxa uu kaga sii duwan yahay kani recording code ba ku jira duubaya waxa aad ku hadlaysid ,fariimaha kuso dhacana simcard ka kalena way kuso dhacayaan ,waliba kan cloning ka ah waxa uu kaga sii fiican yahay madama uu ka shirkada ka diwaan gashan ee runta ah uu yahay kaaga kan kale uma baahna wax lacag ah ama hadhaa wax walba waxa ay uyihiin bilaash khadkaga ayuu kula isticmaali,kaarka taleefankaga ku jira ayuu cida uu dooni ku wici, dhaqdhaqaaq walba oo tuugnimo ah ayuu ka samayn simcardkaas
Qofka samaynaya simcard Cloning waxa uu u baahanyahay laba code in uu ka ogaado simcardka uu jabsanayo marka koobad waa IMSI( international mobile subescriber identity) iyo kan kale oo ah KI(authentication key) labadas haduu ogaado wax walba uu awooda si fudud ayuuna simcardkas clonining ugu samayn
Hadii aad rabtid in aad ogaatid in simcardkaga lagu sameyay Cloning waxad la so dagta app ka shirkada taleefankaga samaysey ku ilaaliso, hadii uu andriod yahay waxad la so dagta appka "google find my device" kadibna gali xogta taleefankaga hadii uu IMEI iyo EID, gaga ka tuso hal location wax ka badan waxa ay ka dhigan tahay simcardkas waa mid la basasey oo cloning lagu sameyay
hadii cybersecurity ama hacking ka ay wax kaga baxsanyihiin aadna taqaanid habka loo isticmaalo hacking toolska waa caadi wan kuso diri kara toolka loo isticmaalo simcard Cloning qaybta fariimaha uun igala so xidhiidh
Mohamed Sharif Muktar
CILMI IYO AQOON CHANNEL
May 19, 2026, 04:22 PM
Intan way ku caawinayaan
Hadii aad doonaysid in aad file,xog,sawiro,muuqalo badan aad qof u dirtid waxa aad tagta websiteka toffeeshare, waxa aad so upload garayn waxa aad qofka u diraysid isna waxa uu ku siin doona qr-code kadibna qofkii ayad u diri isna si dhib yar ayuu halkas kala dagi sido kale way ku fiicantahay hadii aad doonayso in xogta taleefankaga ku jirta aad si dhib yar laptopka ugu shubatid, halkan ka booqo:- https://toffeeshare.com/mobile/.
Sido kale hadad rabtid in
ganacsigaga,namberkaga,accountska baraha bulshada,iyo wax walba, aad u samaysatid qr-code u gaar ah si marka uu qofku scan u dhaho uu toos u kor keeno waxa aad tagta websiteka hoose adigu waxa aad galin linkga kadib isaga ayaa kaga dhigi qr-code halkan ka booqo:- https://www.qrstuff.com/.
Website ka hoose waxa la dhaxa yandex waxa aad galin sawirkaga kadib waxa uu kuso saari dhamman dadka aad isku egtihiin sawiradooda isaga oo isticamalaya (facial reconigization) marka koobad waxa uu so saari dharka aad qabtid sawirkooda qaybta kuxigtana dadka aad isku egtihiin halka uu qaybta hoose kugu so saarayo qofka aad isku egtihiin halka uu sawirkiisa so dhigey lacala hadii aad u baahatid in aad la xidhiidhid waa website xiiso leh halkan ka booqo:- https://yandex.com/.
Hadii sawir aad gashey uu ku jiro qof adan rabin ama shay aad doonaysid inad ka saartid waxa aad isticmaasha website ka hoose ,sawirka uunbad so galin kadibna inta aad rabtid uunbad calamadayn intaas isaga ayaa si automatically ah uga saari si aan laga fahmayn halkan ka booqo:- https://www.fotor.com/how-to/remove-unwanted-objects/.
Mohamed Sharif Muktar
CILMI IYO AQOON CHANNEL
May 19, 2026, 04:22 PM
intan waa inad ka ogaata amniga
hadii taleefankaga iphone ka aad ku aragtid dhibic yar oo huruuda oo ku taala korka mobile networkga waxa ay ka dhigantahay waa lagu basasaya oo waxa la dhagaysanaya hadalkaga si kale waxa ku furan microphone ka
hadiise ay dhibicdasi noqoto cagar waxa ay ka dhigantahay waxa lagala socda labada camera ee taleefanka(tan hore iyo ta danbe ) waxana la duubaya dhamman dhaqdhaqaqaga si guudna hadii labada dhibcood aad mid aragtid waa inad ogaatid in taleefankaga la jabsadey
hadii nooca password ee taleefankagu yahay passcode,fingerprint,iyo facelock sidan hoose ayay ukala amni badan yihiin password(6/10), fingerprint(5/10),facelock(2/10)
taas oo ka dhigan in passwordku uu yahay kan ugu amaanka fiican waxana kuso xiga fingerprint halka uu facelock gu yahay kan loogu jabinta ogyahay
waa muhiim in maalmaha u horeeya ee uu so baxo update ka taleefankagu aad cusobonaysisid ama update u dirtid hadii kale waxa aad ku jirta halis amni oo dhanka xogtada ah sababtuna waa in shirkada aad isticmalaysid taleefankeeda ayna wax sii badan amnigaga si ilaalinaynin madama ay ka guurtey kan aad isticmalaysid marka isku day in aad taleefanka marwalba update dhahdid
hadii aad doonayso in aad saartid xogta idin dhaxmartey adiga iyo shaqsi gaar ah (specific) ee whatsappka waxa aad tagta settings,kadib storage,manage storage,kadib qofka aad doonayso unbad taaban ,select all file,kadib wad saari(delete) waxa ay uso kala horeeyan sida ay u kala badanyihiin xogaha aad is dhaafsateen, hoosta ayuuna ku qoraya inta ay cabirkeedu yahay sida (100mb,1gb..)
mid kale oo guudna aan kugu daro cidna ha waydiin waxas ma la jabsan kara ? waa inad ogaata in aalad walba oo internetka ku xidhiidhsan(connected) ama khadku u furan yahay ay tahay mid la jabin karo marwalbana waxa jirta wado lagula wareegayo mamulkeeda aaladas hadii ay aladasi leedahay network si fudud sharcigan ha iloobin " every device wich is connected to internet is hackable"
Mohamed Sharif
CILMI IYO AQOON CHANNEL
May 19, 2026, 04:22 PM
π· Photo
1,550
1
0
CILMI IYO AQOON CHANNEL
May 19, 2026, 04:22 PM
arday ahaan inta hoose unba ka dhiman wana hubaa iney aad kaga caawin doonan waxbarashada
hadii ay yartahay maskaxda ama storage ka taleefankagu aadna doonaysid meel aad ku kaysatid xogtada sida sawirada,muuqalada,fileska iyo wax walba waxa aad isticmaasha appka hoose waxa la dhaha" terabox " waxa uu kusiinaya kun iyo labatan iyo afar gb(1024gb) ood xogtada so gashanaysid xitaa hadii taleefankagu ka lumo wali xogtas way kugu jiraysa oo talefanka danbe eed qadatid unbad userkagii ka gali ood sawiradadii dib uga so dajisan
halkan kala dag:- https://play.google.com/store/apps/details?id=com.dubox.drive
websiteka hoose waxa ladhaha quizlet waa mid kamida websiteska ay ugu jecel yihiin ardayda calamku waxana ku jira in kabadan 60million oo arday ah waxa uu ku siinayaa conceptga ugu wanagsan ee maadooyinka lagu barto dugsiga iyo jamacadaha sida ugu fudud ayuuna ku fahansiin cashir walba kadibna waxa uu ka qaadi imtaxan yar (test) marka aad si fiican isku hubsatidna waxa aad la tartami arday kale, adiga oo raacaya optionka match ka wayna fiicantahay ardayda Engineering ka barta ama dugsi sare in maalin walba ugu yaraan 20 daqiiqo ku qaatan xita maskaxda ayaa si fiican kugu furmi oo meel wanagsan ayuu wax ka fahansiin
halkan ka booqo:- https://quizlet.com/
midba mid buu ka sii wanagsan yahe website ka hoose waxan filaya inan dhammanteen isticmaaley magaciisu waa pdfdrive waxa ku jira in kabadan 70million oo buug pdf ah buugagtan oo iskugu jira, kuwa waxbarashada,suugaanta iyo sheeko faneedka ,caafimadka,siyaasada iyo sharciga ,suugaanta iyo mala,awaalka dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo buugagta nolasha dhan walba ku saabsan si bilaash ah ayaadna ula dagi buuga aad doonayso ama aad ka heshid
halkan ka booqo:- https://www.pdfdrive.com/
google translate waa turjumaanka ugu wayn calamka eey dhamman dadku isticmaalan wax walba oo luuqad walba ku qoran waxad dooran uun luuqadas wadna galin dhanka kalena waxa aad dooran luuqadada eed doonaysid in uu kugu turjumo , waxa kale uu aad ku anfacaya marka aad la hadlaysid dadka ajaanibta ah si fiican ayaad isku fahmaysan
halkan ka booqo website ka :- https://translate.google.com/
halkan kala dag appka:- https://play.google.com/store/apps/details?id=com.google.android.apps.translate
badana waynu leenahay dabeecada ah in marka aynu taleefanka habeenkii ku xidhano alarm marka uu subaxda dhawaq sameeyana aynu damino saas laga yaabo in aynu kaga baaqano ama dib uga dhacno hawlo no muhiim ahaa appka hoose waa alarmga ugu wanagsan waxa uuna samaynaya si dhibyar kuma aamusiin kartid waa inad kacdid ood su,aalo ka shaqaysid markas buu aamusi , sido kale mararka qaar uu ku xujeyn si uu si fiican hurdada kaga kiciyo isaga oo ku odhan shan sawir qaad markas ban qaylada dayne adna marka aad intas samaysid danba wad u toosi
halkan kala dag:- https://play.google.com/store/apps/details?id=droom.sleepIfUCan
Mohamed Sharif Muktar