-duhur wanaagsan noloshayda.
-Wanaagsan xabiibi, see tahay?
-Ladnaan, dhankaaga ka warran?
-Barwaaqo macaan, safarka sidee kuu ahaa?
-Alle mahaddii, waa uu qurux badnaa.
-Xalay🙈
-Hee xalay maxaa dhacay?
-🤐
-Wax ii sheeg hee qaaliyeey.
-Waan ku tabay dhab ahaan.
-Aniguba sidoo kale, saa'id baan kuu tabay.
-Goormaa soo laabanee?
-Bil kaddib qalbi, haddii aysan howsha nala dheeraan oo aan wax is beddelin insha'Allaah.
-Way badan tahay sow maaha?
-Haa macaan, se dantaa na tiriye kuma talo jirin.
-In aan u adkeysto ayaan rejaynayaa, cidlada gogosha iyo guriga maran.
-Anigu waan isku qasbayaa in aan la'aantaa qol cidlo ah seexdo.
-Ii soo dhaqso Gacaliye.
-Anaa kaa jecel qalbi.
-Horta maxay iiga kaa fogeeyeen oo ay u diriwaayeen dadka kale?
-Qalbi shaqooyinka qaar ayaan la iiga maarmayn sow maaha?
-Haa xabiibi, kartidaada waa ku kalsoonahay.
-Ha ii baqin, waan kula joogaa dhawaan.
-Safarka yaa kugu wehliya?
-Sahal, Nuur iyo Deeqo.
-Deeqo?
-Haa deeqo.
-Waa ayo?
-Gabar aan xafiiska kawada shaqayno.
-Maxay idinka daba doontay?
-Shaqaalaha la xushay ayey ku jirtay.
-Ma isku diyaarad baa raacdeen?
-Haa, maadama aan isku shirkad ka soconnay.
-Kursiga kugu dhagan may fadhisay?
-Maya kan iga dambeeyo ayey Nuur la fadhisay.
-Ma hotelkee kula deg tahay mise?
-Haa qaali, dhammaanteen isku meel baan wada degnay, si aan isku caawinno, maadaama aan ku wada cusub nahay magaalada aan tagnay.
-Qolalkiinu ma isku dhaw yihiin😭
-Hee qaali, maxaa ka macno ah waxaas.
-Yaah, oo caadi ayeyba kula tahay miyaa?
-Tartiib qalbi, kuma oran isku qol baan seexanaa.
-Ma isku meel baad ku cashayseen xalay?
-Maya, iyada asxaab ayey raacday, aniga waan daalnaa howlo qabyo ahna waa dhammaystirayay.
-Horta ma xafiiskaad isla joogtaan inantaas?
-Xabiibti nagadaa dee sheekada gabadha, ii warran, xalay yaa kugu wehliyay guriga, Amran makuu timid mise wali xaafaddii kore kama soo laaban?
-Haye, Amranna ma shukaansataa?
-Yaa Allaah, macaan see kaa noqotay Amran waa dumaashideey sideen ku shukaansadaa gabar Adeerkaa dhalay.?
-Maxaa ma Deeqo ayey ka xun tahay ayadaba waa caawisaa sow maaha?
-Aniga in aanan adiga mooyee cidkale hawo u haynin waad og tahaye caraadinta maad iga daysid quruxeey.
-Quruxeey iyo sharafeeyda aad naag walbo ku tiraa ha igu oran aniga.
-Haye qalbi, see jeceshay ayaan samaynayaa, ok.
-Waxba ha i sasabin, safarkaanna uma bogin.
-Waxaas iga daaye, dàawadii ma cuntay mase quraacatay horta?
-Maxaan daawo cunaa madaxaa i kicisaye.
-Fiiri qaali, sow ma ogid in aan waxaa ka ballannay, aniga howlahaa kuma jiro, mana u socdo hadda iyo had u dhaw ee naftaada ii ilaali oo ka feker uun.
-Hadda uma socotid sax, hadhowna?
-Waxaas ka kaalaye, maanta talaal sow ma lihid?
-Mowduuca haka bixin Maxamed.
-Macaan dee maalaayacniga innaga daa fadlan.
-Warkayga miyaa bilaa macno ah oo ku dhibaya?
-Maya laakiin waxaan meesha oolin ha innagu xiijin, plz jawiga noo soo celi.
-Macsalaamo.
-Hellow Cayni.
-Warkaaga ma rabo, ammaan i sii yaroow.
-Ila hadal fadlan. Haye waayahay nabad ahoow.
-Haa, waaba rabtay in aan ku fasaxo maahoo?
-Hhhh, saakay dalac bilaash maa cuntay?
-Mayee calooleey, nabadeey.
-Subax wanaagsan, cusbada iska yareey.🙈
-Wacan, adna naagaha iska yareey.
-Adigaa sokor iigu filan.
🤦
https://t.me/wlloska