Taaj madaxa awr loo galshaa waa tusmo halow'e
____
Afqallooc
4,060
11
0
GABAYO
May 24, 2026, 06:38 AM
Hadday beladu kugu goonni tahay waad ka gubataaye
Salaan
4,220
17
0
GABAYO
May 24, 2026, 06:38 AM
أنا الغريق فما خوفي من البلل
Waxba dhawran maynee Allow, dhagaxyo soo daadi
___
Xaalka iiraan
4,710
22
0
GABAYO
May 24, 2026, 06:38 AM
🎥 Video
"Cirku hadduu hamaahuuro waa hoorismaaggane
Onkod iyo hillaac baa ku xiga heelimaasyada
Hanfaraar haddii uusan noqon na hunguraysii."
—Seef
مطرنا بفضل الله ورحمته.
اللهم صيّبا نافعا.
آمين
5,290
25
0
GABAYO
May 9, 2026, 09:29 PM
“Alleylehe balaayooy,
nin badbaado haystoo,
kuu baahday adigoo,
kuu baaqay waa nacas"!
_
4,220
14
0
GABAYO
May 9, 2026, 09:29 PM
-ku mintida afkii hooyo waa lagama maarmaane
-afka yaan dad waynu ka xidhan kii xumaan wada
-gobanimo hiday noo tahee haatan maan baran
-tawfiiqdu waa urur kolkii laysku tiirsado
___
Afqallooca
4,180
9
0
GABAYO
May 9, 2026, 09:29 PM
Nin walaalki daab lala dhacoo, diidi kari waayey
Dumaashiisa naagahana waa, laga dibboodshaaye
3,960
15
0
GABAYO
May 9, 2026, 09:29 PM
Seben tegay mid weli soo socdiyo, saaka waxa jooga
Saddexdaa wakhtaa xaal adduun, lagu sifeeyaaye
Soo noqod ma jiro wixii saatufee, subax ku dhaafaaye
Waxa saadanbeetiyo barrina, waa su'aal maqane
Waxay taladu kuu suubantahay, subaxad joogtaa.
__
Isaga uun
4,310
18
0
GABAYO
May 9, 2026, 09:29 PM
Aqal daahyo weyn derged iyo, daar middaan galaba
Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudoah seexdo
Dayax iiga muuqdheer middaan duun ka caashaqaye
Iga daaya hadal qaadkeedu waa iiga
darayaaye
Maxamuud qaloonbi
4,480
11
0
GABAYO
May 9, 2026, 09:29 PM
Dib maxaa idiin celinayee hore idiin diiday
Mar uun maad ku dayataan khalqigan libinta doonaaya
___
Afqallooc
4,380
13
0
GABAYO
May 9, 2026, 09:29 PM
Qalad qalad u gee waa u dhaaf qalad kasii weyne
Qudhun qudhun ku maydhna waa u dhaaf qudhun kasii weyne
Oo Qalad aan lasixin bay dhalaan kaana quwo roone
4,300
14
0
GABAYO
May 2, 2026, 10:42 AM
-Hadduu geed engego xaabadaa,
laga idlaystaaye
-Mid yar oo iniintiis ah baa,
soo awaal baxa e
-Isagaa anfaaciga hadhkiyo,
oodda kaafiya
____
Af-qallooc
4,020
14
0
GABAYO
May 2, 2026, 10:42 AM
- Nin i xooray maantaan xumaa, aniga oo xaas ah
- Ku xiltiray xanaano iyo wanaag, aniga oo xoog leh
__
Beenaleey