No reviews yet. Be the first to share your experience!
Latest Posts
Qoraal✍ mudan Qaadasho💯
May 5, 2026, 03:14 PM
📷 Photo
Ka fakar: muxuu Ilaahay kuu abuuray?
[ Jinni iyo Insina uma abuurin inay i caabudaan mooyee.] ❤️
921
15
0
Qoraal✍ mudan Qaadasho💯
May 5, 2026, 03:14 PM
Shacabka reer Koonfur Galbeed Dowlada Hala Taageero
Ee Xassan Yaa La Taageerin Waayo xassan Beri Ayuu Baxayaaa
Lkn Nidaamka Dowliga Ah wuu jirayaa
777
3
0
Qoraal✍ mudan Qaadasho💯
May 5, 2026, 03:14 PM
Rajo iyo riyooyin rumeyntooduba ilaahay ku qoray intaadan dhalan fahan qormadaan ✍️
"Ilaahay (SWT) wuxuu yiri: Addoonkaygiyow, ha u malayn in waxaan kaa qaatay ay ahaan jirtay xarimid, balse waxay kuu ahayd naxariis iyo xikmad xaggayga ka timid.
Waxa aan wax kuu diiday oo kaliya sababtoo ah waxaan ogahay in ay ku dhibi doonaan, waxa aan arrin kaala daahayna waxay ahayd oo kaliya in aysan ku habboonayn maqaamka aad agtayda ku leedahay.
Waxaa laga yaabaa inaad maanta la ilmeyso xanuun dartiis, waxaa laga yaabaa in laabtaadu ku cariiriyaan waxaad weyday dartiis, laakiin ogow in xanuun kasta gadaashiisa ay xikmad ku jirto, ilmo kasta gadaashiisana ay farxad soo socota ku jirto.
Aniga ayaa kugu maamulaya cilmigayga ee ma aha rabitaankaaga, waxaana kuu doorayaa (waxa kuu fiican) xitaa haddii aadan hadda fahmin doorashadayda.
Addoonkaygiyow, haddaan kuu bandhigi lahaa waxa maqan (mustaqbalka), waxaad dooran lahayd waxaan kuu doortay. Markaa is deji oo raalli noqo, kuna kalsoonow in daahiddaydu ay kuu tahay khayr, samirkaaga maantana uu kuu samayn doono berrito ka qurux badan sidii aad rajaynaysay.
Waxaan ku siin doonaa farxad qalbigaaga buuxisa, oo ku ilowsiisa xanuun kasta oo ku soo maray. Waxaan kuugu beddeli doonaa wax ka khayr badan oo waaraya, waxaana kugu dallacsiin doonaa darajooyin samirkaaga iyo dhabar-adaygaaga dartiis.
Haddaba sugnow oo dhoola caddee, waayo Rabbigaa ma iloobo qof samray, mana lumiyo qof isku halleeyey. Xitaa haddii qadarku maanta kaa aamuso, berrito wuxuu ku hadli doonaa khayr oo dhan."
890
Qoraal✍ mudan Qaadasho💯
May 5, 2026, 03:14 PM
📷 Photo
Ma jiro Samir ka qurux badan inaad ku adkeysato Dhib walba jira Alx 🤍
1,060
16
Qoraal✍ mudan Qaadasho💯
May 5, 2026, 03:14 PM
📷 Photo
Baarinimada Waalidka baari loo noqo. Inta badan dadka baarinimada ilaahy siyay Waa kuwa Maanta Nolosha. Heer sare ka gaaray waalid baari halo noqdo
951
13
Qoraal✍ mudan Qaadasho💯
May 5, 2026, 03:14 PM
📷 Photo
Waxaan aaminsanahay in waxa ugu quruxda badan aduunka ay tahay in la joogteeyo salaadda⏰✍️