Haraadigii Xusuusta
Waxaan Alle ka baryey inuu ii kaa ilaaliyo. Xaalad kasta oo aad ku jirto iyo xilli walba oo aad dunida guudkeeda saarantahay ba. Ilaaliyaha kaliya ee nafaha waa Eebbe, isaga ayaanan kugu aaminay. Ma jirto meel agtiisa ka mudan oon kugu aamini lahaa. Ifka wax san ayaan kuu abdeeyay, aakhinana janno ayaan kuu durraantay! Salaad kasta oo aan tukado, cibaado walba oo aan sameeyo iyo wanaag walba oo aan galo, mudanna in Eebbe wax lagu waydiisto, ayaan kaga dalbadaa oo aan kaga baryaa inaan dib kuula kulmo adiga oo bad qaba.
Qalbiyeey, waxaa jira dareen xiiseed oo aan la cabbiri karin mugga uu la'eg yahay. Dareenkaasi waa xiisaha. Xiiso qof-tabyo ayaa i beerrqay. Waxaan u xiisay noloshaadii, kaftankaagii, dhoolla-caddayntaadii, heesihii aad ii qaadi jirtay, waqtigaad ila qaadan jirtay, codkaagii lingaxnaa ee qalbigu codadka kale ka yaqaannay, wax-sheeggaagii, dhiirri-galintaadii iyo dhammaan dhaqannadaadii farxad abuurka iyo sacaadada lahaa. Waxaan tabay canaantaadii diirranayd, raalli galintaadii, murankaagii, sabarkaagii wanaagsanaa iyo danayntaadii jacaylku muushka ka ahaa. Runtii, dhib iyo dheef ba waan ku tabay. Ma jirto waqti aan hadda uga baahi badanahay wehel aan waqtiyada adag garabsado. Waxaan ka cabsanayaa in lumiyo dareennada xiisaha iyo rabitaanka.
Qalbiyeey, isma lihi cid kaaga baahi badan araggaaga ayaa koonka saaran. Ruuxda kaliya ee daymadaada u bugta, aniga ayay igu jirtaa. Hawaawiga beenta ah, rajada car-caraafka ah iyo buseelka nafsadeed, ayaa igu qancinaya inaad ii dhowdahay. Waxa kaliya ee runta ii sheega waa waqtiga. Xusuusaha duugga noqday ee aan kaala haray ayaa dhaymo iigu dhow. Mar walba oo aan sawirkaaga dheehdo, ayaan agtayda kaa dayaa. Xilli walba oo aan codadkaagii dhagaysto, farriimahaagii arko amaba aan goobihii kulankeena tago, ayaan u muhdaa wehelkaagii iyo la jirkaagiiba.
Hadda ayay qiimo laba jibbaar ka badan intii hore ii samaynayaan xusuusuhu. Way isu kay biirsadaan.
Qalbiyeey, waxaa jira balammo badan oo aan noloshayda ka ballan qaaday. Waxaan sharad kula galay inaan mar uu laabta ku galiyo, sunniyaha dhaxdoodana kaa shumiyo. Laab galintu waa dawo qof hamuun caashaq qaba lagu baanto. Sunniyaha ayaana ugu habboon meel layska shumiyo. Runtiina, intaas ii dhan waxaa iiga waynayd inaan adiga ku helo. Noloshana kula wadaago. Ayaan-darro se wali kuma liibaanin. Naftaydu wali way tamanninaysaa. Qiimo, qurux iyo qaddarin ayay ii ahayd inaan ku haysto; qushuuc, qiiro iyo qardoofana waayiddaada ayaa igaga dhigan.
Larka xiisahaaga qof-tabyo igu soo kicinaya, niyadda ayuu ka siraadanyahay. Su'aalaha ugu badan, qalbiga ayaa i waydiinaya. Jawaabna uma haayo. Maqalkayga waxaa buux dhaafiyay dhagaysiga heesaha xiisaha iyo rajada daarran. Jannaalada yuututubka ayaan caan ka noqday; hubaashii dhagaysigaasi waa rajada ugu babban ee aan ku sasabi karo naftaan qalluudsan! Ma xusuusataa markii aan ku dhihi jiray, "dunida qof kula mid ahi kuma dhaqna?" Haa, run ayay ahayd. Koonka qof kula mid ahi kuma noola. Waxaan sidaas u leeyahay, qof waliba qofka farxadda u samayn jiray ayaa u adduun ah. Dunidaydu waa adiga; daawadayduna sidoo kale.
Qalbi kuu darsaday baa
Kalinnimo dareemee.
W/Q: Cabdiraxmaan-Ra'iis