๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ก ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐ก๐ข๐ช.
Talooyinkaan hoose akhri.
1. Soon Ramadaan adigoo rumaysan oo ajar ka rajaynaya Alle; si uu Alle kuugu dhaafo dembiyadii hore.
2. Ka digtoonow inaad jebiso hal maalin oo Ramadaan ah adigoon cudurdaar sharci ah lahayn; waayo waa dambiyada waaweyn.
3. Tuko habeenada Ramadaan (taraawiix, tahajjud, iyo dadaalka tobanka dambe) adigoo rumaynaya ajarna ka rajaynaya Alle; si dembiyadii hore luguugu dhaafo.
4. Ha noqdaan cuntadaada, cabitaankaaga iyo dharkaagu xalaal; si ducadaada loo aqbalo. Ka digtoonow inaad ka soonto wax xalaal ah dabadeed aad ku afurto wax xaaraan.
5. Ku dadaal inaad afuriso kuwa sooman; si aad u hesho ajar la mid ah ajarkooda.
6. Ilaali shanta salaadood waqtigooda adigoo jamaaco ku tukanaya; si aad u hesho ajarkooda, Alle na kuugu ilaaliyo.
7. Badi sadaqada; Nabiga ๏ทบ wuxuu ahaa qofka ugu deeqsisan dadka, wuxuuna sii deeqsi badnaan jiray Ramadaanka.
8. Ka digtoonow inaad waqtigaaga ku lumiso wax aan camal wanaagsan ahayn; waayo masโuul baad ka tahay, waana laguu xisaabin doonaa waxa aad waqtigaas ku qabatay.
9. Cumrayso Ramadaanka hadaad awoodo; waayo cumrada Ramadaanka waxay la mid tahay ajarka Xaj.
10. U kaasho soonka maalintaada sahuurta habeenka waqtigiisa dambe; sahuurtu waa barako e.
11. Dedeji afurka marka qorraxdu dhacdo; si aad u hesho jacaylka Alle iyo khayr badan.
12. Ka faaโiidayso Ramadaanka adigoo ku mashquulaya waxa ugu khayr badan ee ku soo degay โ akhrinta Qurโaanka kariimka ah adigoo ka fikiraya macnihiisa; si uu kuu noqdo daliil kuu hiiliya maalinta qiyaame.
13. Ka Ilaali carrabkaaga beenta, xanta iyo namimada; waayo waxay yareeyaan ajarka soonka.
14. Haka talaabin akhlaaqda wanaagsan; ha ka xanaaqin waxyaabo yar yar adigoo leh โwaan soomanahayโ. Soonku waa inuu noqdaa sababta deganaanshaha iyo xasilloonidaada.
15. Ha kuudhamaato Ramadaan adigoo leh taqwo kana mahadcelinaya nimcadiisa, una istaagaya adeeciddiisa.
16. Badi xuska Alle, istiqfaarka, iyo baryada Jannada iyo ka badbaadidda Naarta, gaar ahaan markaad sooman tahay; waayo qofka sooman ducadiisu waa la aqbalaa.
17. Badi ducada naftaada, waalidkaa, carruurtaada iyo muslimiinta; Alle wuxuu amray in la baryo wuxuuna ballan qaaday inuu ka aqbalayo addoomadiisa.
18. U toobad keen Alle toobad dhab ah mar kasta; adigoo ka tagaya dembiyada, ka qoomamaynaya wixii hore, kuna goโaansanaya inaadan ku laaban mustaqbalka.
19. Soon lixda maalmood ee Shawwaal ; qofkii sooma Ramadaan kadibna ku dara lixda Shawwaal wuxuu la mid yahay qof soomay sannadka oo kale.
20. Soon maalinta Carafo haduu alle ku gaadhsiiyo
(9-ka Dul-Xijjah); si dembiyada laba sano laguu dhaafo โ sannadkii hore iyo kan soo socda.
21. Soon maalinta Caashuuraa (10-ka Muxarram) adigoo la soomaya maalinta sagaalaad; si dembiyada hal sano laguugu dhaafo.
22. Joogtee Rumaynta alle iyo Rasuulkiisa scw , taqwada iyo camalka wanaagsan Ramadaanka ka dib ilaa daqiiqadda ugu dambaysa ee noloshaada:
> โCaabud Rabbigaaga ilaa uu kuu yimaado yaqiinka (geerida).โ
(Qurโaan โ Al-Hijr: 99)
23. Ha kaa muuqdaan raadadka cibaadada sida salaadda, soonka, zakada iyo xajka; adigoo toobad keenaya kana tagaya dhaqamada xun, kuna labisanaya akhlaaq wanaagsan.
24. Ka faaโiidayso cimriga ka hor inta uusan dhammaan. Qaar ka mid ah salafkii hore waxay ooyi jireen marka geeridu timaaddo, waxaana la waydiin jiray: โMaxaa kaa oohinaya?โ
Waxay odhan jireen: โWaxaan la ooyayaa maalin aanan soomin iyo habeen aanan kicin (cibaado).โ yacni gaabis cibaado si un u haleelay xitaa iyagoo leh cudurdaar.
Sidaas darteed, walaalayaal, ka faaโiidaysta waqtigiinna, caafimaadkiinna ka hor xanuunka, oo ilaaliya masโuuliyadda Alle idin saaray, idinkoo xasuusnaada ugu dambayn in la idin aasi doono, lana xisaabin doono camalkiinna.
---
Jiilka Rajada
โ||