Qof walba oo dunida ku nool wuxuu la kulmaa imtixaano kala duwan: mid nafeed, mid maaliyadeed, mid caafimaad, mid qoys, mid bulshada ah iwm. Laakiin farqiga u dhexeeya dadka guuleysta iyo kuwa guuldareysta wuxuu ku jiraa samirka. Qofkii samra, wuxuu hayaa hub adag oo uu kaga adkaan karo caqabadaha nolosha.
Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku leeyahay:
> "وَبَشِّرِ ٱلصَّـٰبِرِينَ"
"U bishaaree kuwa samra." (Suuratul-Baqarah: 155)
> "إِنَّ اللَّهَ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَ"
"Ilaahay wuxuu la jiraa kuwa samra." (Suuratul-Baqarah: 153)
Aayadahan waxay inoo caddeeyaan in samirka uu yahay darajo weyn oo Ilaahay jecel yahay. Qofka samra, Ilaahay ma dayaco; wuxuu siyaa ajar aan la xisaabin karin:
> "إِنَّمَا يُوَفَّى ٱلصَّـٰبِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ"
"Kuwa samra waxaa la siin doonaa abaal marin aan la xadidin." (Suuratu Zumar: 10)
QISO QIIMO LEH: NABI AYYUUB (CS)
Nabi Ayyuub wuxuu ahaa nabi hodan ah, caafimaad qaba, reer weynna lahaa. Laakiin Ilaahay wuxuu ku imtixaanay cudur daran, isagoo jidhkiisa oo dhan waxyeelo gaadhay. Wuxuu kaloo waayay maalintii, caruurtiisii iyo dadkii uu jeclaa. Waxa uu la xanuunsanaa sanado badan, balse marna kama caban Ilaahay. Wuxuu sabray, ducaystay, una rajeeyey kheyr.
Ugu dambeyn, Ilaahay wuxuu caafimaadkiisii u soo celiyey, wuxuu siiyey hanti, carruur iyo xaas cusub:
> إِنَّا وَجَدْنَـٰهُ صَابِرًۭا ۚ نِعْمَ ٱلْعَبْدُ ۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌۭ
"Annagaa helnay isaga sabir ahaan, addoon wanaagsan ayuu ahaa; run buu ku noqday."
(Suuratul-Saad: 44)
Tani waxay ina tusinaysaa in samirku uusan ahayn khasaaro, ee uu yahay albaabka guusha iyo raxmada Ilaahay.
XIKMADO LAGA BARAN KARO SAMIRKA:
1. Samirku waa furaha guusha.
– Qofkii samra, guushiisu waa dhaw.
2. Samirku waa saaxiibka ruuxda wanaagsan.
– Dulqaadku wuxuu dhisaa qalbi deggan iyo maskax furan.
3. Samirku wuxuu keenaa xallinta dhibaatooyinka.
– Dadka samra, wax walba way ka gudbaan iyaga oo aan qoomamayn.
4. Samirku waa tilmaanta dadka Rabbi jecel yahay.
– Ilaahay wuxuu jeclaa Nabi Ayyuub, Nabi Yuusuf, iyo Nabi Maxamed (NNKH) sabirkooda dartii.
TALO:
Haddii aad la kulanto murugo, sabir. Haddii lagugu xadgudbo, sabir. Haddii aad la kulanto dhibaato, sabir. Samirkaaga waxaa ku jiro iftiin, khayr. iyo guul.
Qofkii samra, guusha ma seegi karo. Ilaahay wuu la jiraa, ajarna wuu usugan yahay.
Fariintaadu ha ahaato: “Waan samrayaa sababtoo ah Ilaahay wuu ila jiraa.”
https://t.me/Etminnan7