In badan oo ka mid ah maalmaheenna, arroortii baynu kacnaa, shaqadaynu aadnaa, taleefankaynu laab-salaaxnaa (scroll), wax baynu cunnaa oo cabnaa — sidii mashiin kusoo laabanaya hawshiisii hore, ayaan maalinta kalana ruutiinkii uun ku celinaa. Waxay u badan tahay inaynaan maalintii meel fadhiisan, fekerin, is-dhagaysan, waxna isna-waydiin. Waxaynnu noqonay sidii roobaatkii — dad shaqo badan misa madhan, nool misna maqan. Wadnuhu wuu garaacayaa, ismana maqalno. Intaa wax baynu ka falcelinaa kama se fekerno ficilladeenna. Waxbaan intaa quudanaynaa, korriimadu se way yar tahay. Socodku wuu badan yahay, mayl badanna lama gooyo. Intaa waa la tabcaya, baahidu se way sii tarmaysaa. Waxaynu ku dhex nool nahay giraan aan joogsi lahayn, se aynnu u naqaan nolol. Marka ay hawl wayni ina soo haleesho, ayuun baan baraarugnaa sidiiyoo aan markaa hurdo kasoo toosnay.
Iinsaanka looma abuurin oo keliya in uu quud raacdeyo e, waa in uu wacyi-noolaado — in uu fekero, wax u fiirsado, iska warqabo, oo uu dareemo naftiisa iyo dunida uu ku dhex nool yahay ba. Marar badan buu Ilaahay Qur’aanka innagu leeyahay: “أَفَلَا تَتَفَكَّرُونَ؟” “Miyaydaan fekerayn?” “أَفَلَا تُبْصِرُونَ” “Miyaadan u fiirsanayn?” Dhambaalladaa Qur’aaniga ahi, waxay inoogu yeedhayaan inaan baraarug-noolaano.
Ha u noolaan sidii roobaatkii. Joogso. Feker. Dareen. Tuko. Adkaarso. Qur’aanka akhri. Aayad ku dul feker. Nolosha dhabta ahi — midda dhadhanka leh, midda qanaacada leh, ee misna deggan — waxay ka bilaabataa: marka aad macne nooshahay, marka aad feker nooshahay, marka aad feejigo nooshahay, marka aad qasad nooshahay, ee aad qunyar soconayso, ee xadhiga Rabbina aad xejjinayso.
Mubarak Hadi