๐ญ๐๐๐๐๐ง๐จ๐ ๐๐๐๐ฅ๐
Qoraalkan waxaan ku faaqidi doonaa Zakaatul fidriga waajib ahaantiisa , wuxuu yahay iyo siduu ku gudayo.
Waxaa laga weriyey Cabdullaahi bin Cabbaas alle haka raali noqdee inuu yiri :"Rasuulkii Ilaahay ๏ทบ wuxuu faral yeelay Zakatul Fidriga, si ay ugu noqoto daahirin qofka sooman oo laga nadiifiyo hadallada aan fiicnayn iyo falalka xun, isla markaana ay u noqoto cunto la siiyo masaakiinta.
Qofkii bixiya ka hor salaadda Ciidda, waa zakaa la aqbalay. Qofkii bixiya ka dib salaadda Ciidda na waxay noqonaysaa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka caadiga ah." 1
Sidoo kale, qofkii aan awoodin inuu bixiyo subaxa Ciidda, wax dhib ah ma leh inuu bixiyo habeenka Ciidda.
Tixraac
---
(1) Waxaa weriyey Abu Dawud (1609) iyo Ibn Majah (1827). Waxaa lagu xusay โAl-Irwaaโโ (843) iyo โSaxiix Abu Dawudโ (1427): Xadiis wanaagsan (xasan).
๐ญ. ๐ช๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐
๐ฎ๐ ๐ญ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐๐น ๐๐ถ๐ฑ๐ฟ๐ถ ๐ฎ๐บ๐ฎ ๐๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ฎ-๐ฆ๐ผ๐ผ๐ป?
Waa sadaqo waajib ah iyo kafaaro (fidyo) la bixiyo soonka ka dib, dheefta Zakaatul fidriga waxaan kusoo qeexnay xadiithka kore.
๐ฎ. ๐ค๐ผ๐ณ๐ธ๐ฒ๐ฒ ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ท๐ถ๐ฏ๐๐ฎ๐ฎ ๐ญ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐๐น ๐๐ถ๐ฑ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ?
Waxay waajib ku tahay ruux kasta oo laga helo saddexdan shardi:
โข Qof kasta oo Muslim ah (lab iyo dheddig, yar iyo weyn). Ilmaha uurka ku jira xitaa waa laga bixin karaa.
โข Qofka xorta ah (addoonku isagu iskama bixiyo, ee waa laga bixiyaa).
โข Qofka hodanka ah ama qaniga ah. Qodobkan waxaa loola jeedaa qofka haysta ama awooda wixii uu quudan lahaa habeenka ciidda soo galaysa iyo maalinta ciidda. Qofkii intaas heli kara waa ku waajib Zakatul Fidrigu.
๐ฏ. ๐๐ผ๐ผ๐ฟ๐บ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ท๐ถ๐ฏ๐๐ฎ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ ๐ฏ๐ถ๐
๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ญ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐๐น ๐๐ถ๐ฑ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ?
Sida loo badan yahay waxay waajibtaa maalinta ugu dambaysa ee Ramadaanka marka ay qorraxdu dhacdo.
Tusaale:
โข Haddii Ramadaan ku dhammaato 29, waxay waajibaysaa maalinta 29aad marka qorraxdu dhacdo.
โข Haddii ay ku dhammaato 30, si la mid ah ayay u waajibaysaa maalinta 30aad marka qorraxdu dhacdo.
Waqtiga ugu dambeeya ee la bixin karo waa ka hor salaadda ciidda. Haddii salaadda ciidda la gaaro iyadoo aan la bixin, Zakatul Fidrigii ma ansaxayo; waxa uu noqonayaa sadaqo caadi ah, sida Nebigu (SCW) sheegay.
๐ฐ. ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐น๐ฎ ๐ฏ๐ถ๐
๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ญ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐๐น ๐๐ถ๐ฑ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ?
Qadarka la bixinayo waa intii Nebigu ๏ทบ bixin jiray oo ah saac (ุตุงุน). Marka lagu qiyaaso miisaanka maanta, waxay u dhigantaa qiyaastii labo kiilo iyo bar (2.5 kg).
Waxa la bixinayo asal ahaan waa cunto. Cuntada loola jeedo waa tan laga dhigan karo quraac, qado ama casho; looma jeedo macmacaan, furuud iyo waxyaabo la mid ah.
๐ฑ. ๐๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ด ๐บ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐ฏ๐ถ๐
๐ถ๐ป ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฎ ๐ต๐ฎ๐น๐ธ๐ถ๐ถ ๐ฐ๐๐ป๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ฏ๐ถ๐
๐ถ๐ป ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ?
Haddii danta iyo maslaxadda qofka la siinayo (miskiinka ama faqriiga) ay ku jirto, waa la bixin karaa lacag. Mararka qaar qofku wuxuu u baahan karaa iidaan ama wax uu cuntada ku karsado, markaas lacag ayaa uga faaโiido badan.
๐ฒ. ๐ฌ๐ฎ๐ฎ ๐บ๐๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ถ๐ป ๐น๐ฎ ๐๐ถ๐ถ๐๐ผ? ๐ค๐ผ๐ณ๐ธ๐ฎ ๐ธ๐๐น๐ฎ ๐ท๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ ๐บ๐ถ๐๐ฒ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ธ๐ฎ ๐ณ๐ผ๐ด?
Asalka waa in la siiyo masaakiinta ku nool meesha aad ku nooshahay. Laakiin haddii aad ogtahay dad kale oo ka baahi badan ama ehelkaaga ah oo ka baahi badan, waa bannaan tahay in loo diro.
๐ณ. ๐ฌ๐ฎ๐ฎ ๐น๐ฎ ๐๐ถ๐ถ๐ป๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ญ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐๐น ๐๐ถ๐ฑ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ?
Waxaa la siinayaa fuqarada iyo masaakiinta Muslimiinta ah ee u baahan.
๐ด. ๐ฌ๐ฎ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ ๐ฟ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ธ๐ฎ ๐ฏ๐ถ๐
๐ถ๐๐ผ ๐ญ๐ฎ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐๐น ๐๐ถ๐ฑ๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐บ๐ฎ๐๐๐๐น๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐?
Dadka aad ka bixinayso waxay ku xiran yihiin saddex sabab:
โข Qaraabonimo โ Qaraabada kula nool ee aad nafaqayn jirtay, sida waalidka, carruurta, ama qaraabo kale oo aad masuul ka tahay.
โข Lamaanahaaga โ Xaaskaaga adiga ayaa lagaa rabaa inaad ka bixiso, xitaa haddii ay tahay taajirad iskeed u taagan.
โข Addoomadaada Muslimiinta ah - adiga ayaa ka bixinaya, waana lagaa rabaa.
https://t.me/JiilkaRajada