SAYFU DIIN QUDUS
Yaa islaamka difaacaya, hadeynaan innagu difaacin
- Sayfu Diin Qudus
Waxa uu ahaa Suldaanka dowladda Mamaaliik-ta,
waxaa lagu tilmaama in uu yahay halyeeyga dagaalkii Caynu-Jaaluut iyo ninkii tataarka ka xorreeyay Qudus.
Asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa qoyska boqortooyada Khawaarismiya sidoo kale waxa uu hoggaanka u qabtay boqortooyada Mamaaliik-ta.
Wuxuu soo maray adoonnimo, sidoo kale waxa uu hoggaamiyay mid kamid ah dagaallada ugu waaweyn oo ay muslimiintu galeen, isaga oo guul lixaad leh usoo hooyay muslimiinta.
Magaciisa waa Maxamuud Binu Mamduud Binu Khawarism-Shah (Boqorka Guulaha), Sayfu Diin Qudus, magacaas oo kaliya ayaa kugu filan si aad u ogaato qofka uu yahay.
Sannadkii 657 hijri, 25-ka bisha Ramadaan oo ku beegan 3-da Sebtember 1260 miilaadi, waxaa dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu waaweynaa ee dhex mara Muslimiinta iyo Gaalada.
Dagaalkaas wuxuu kala saaray xaqqa iyo baadilka, muslimiintana ay guul lixaad leh ka gaareen.
Mangooliskana u noqday markii ugu horreeysay ee dagaal noocan lagu jabiyo, waxaa lagu qasbay gabi ahaanba in ay isaga baxaan dhulka Shaam, isballaarrintii ay wadeenna halkaas ayaa lagu soo afjaray.
Mangooliska ayaa waxa ay duullaan ku soo qaadeen Caalamka Islaamka billaawga qarnigii toddobaad, iyaga oo uu hoggaaminaayay nin lagu magacaabo Jinkis Khan.
Duullaankii ugu horreeyay waxa ay ku qaadeen Dowladdii Khawaarsimiyiinta oo ka talineysay dhulka Faaris.
Waxa ay burburiyeen magaalooyin badan iyaga oo dilay dad fara badan.
Isla ficilkaas oo kale, ninka lagu magacaabo Holaako Khan ayaa ku sameeyay dowladda Cabbaasiyiinta, isaga oo burburiyay caasimadii dowladda Cabbaasiyiinta 4-ta bisha Safar sannadka 656 Hijri.
Intaa kadib, ciiidankii Mangooliska oo uu hoggaaminaayay Holaako Khan, tiro ahaanna gaarayay 120,000 askari, ayaa waxa ay u jiheysteen dhulka Shaam.
Waxa ay galeen magaalada Xalab, toddoba maalin ayey ku qaadatay in ay burburiyaan magaaladaas.
Intaa kadib, iyaga oo rabay in ay u tallaabaan magaalada Dimishiq, ayaa waxaa dhintay khan-kii weynaa ee Mangooliska oo la oran jiray Monko Khan.
Markaas kadib, madaxdii dowladda ayaa la isugu wacay si ay uga wada tashadaan cidda hoggaamin laheyd.
Holaako Khan, oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka Mangooliska ee Shaam, waxa uu u ambabaxay si uu uga qeyb galo kulankaas.
Hoggaaminta ciidanka Shaam waxa uu uga tagay mid kamid ah hoggaamiyeyaashiisa oo uu ku kalsoonnaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Kitbuqa, isaga oo gacanta ka saaray hoggaaminta 20,000 askari si uu duullaanka usii wado.
Kitbuqa waxa uu galay magaalada Dimishiq, kadib markii uu dadkeeda u ballan qaaday magan-gelyo khiyaali ah, sida caadada u aheyd Mangooliska.
Wuxuu burburiyay magaalada, intaa kuma joogsan ee waxa uu gacanta ku dhigay Baytul Maqdis, Qasa, iyo dhul badan oo kamid ah Shaam.
Xilligaas, Dowladda Mammaaliik-ta waxaa hoggaanka u hayay wiil yar oo 15 jir ah, oo lagu magacaabi jiray Al-Mansuur Nuura-diin Cali, isaga oo maamulka dowladda ka dhaxlay aabihiis. Balse, geesiga qisadeenna Sayfu-Diin Qudus ayaa la wareegay hoggaanka boqortooyada, kadib markii uu madaxdii kale ku qanciyay in uu arrintaasi u sameeynaayo si uu halis badan uga difaaco dowladda Mammaaliik-ta iyo ummadda muslimiinta guud ahaan.
Waqtigaas waxaa jiray cabsi xooggan oo laga qabay Mangooliska.
Suldaan Sayfu-Diin Qudus waxa uu billaabay in uu dib u dhiso kalsoonida ummadda, isaga oo heshiis la saxiixday siyaasiyiintii ay is hayeen ee joogay Shaam.