Bismillaah...
1: Take a break for five minutes: problem-ka ina haysta ayaa ah, in saacado xariir aan wax daraasaynno innagoo aan wax nasiinno ah qaadan! Xalka: markaad 25 30 daqiiqo aad wax aqriso xoogaa break yar qaado, 5 daqiiqo nasiinna ah. Sameey sheey aad jeceshahay, daqiiqadahaas aad nasanayso. Daqiiqada break ah kaddib markaad soo laabato, waxaad soo laabanaysaa adigoo fresh ah, maskaxdaada diyaar u tahay in si heer sare ah wax u daraasayso. Daqiiqadaha aad nasanayso shayga aad break ku qaadanayso hakuu sii diyaarsanaado.
2: Deegaanka aad wax ku daraasaynayso: in badan innaga ah waxaa caado u ah marka ay maaddo aqrisanayaan waxay ku daraaseeyaan goobo aan ku habboonayn, sida qofka in sariirtiisa wax ku dul aqriyo, ama qol ay dad kujiraan Tv ka daaranyahay, ama se qofka in taleefankiisa agyaal notifications kaste soo dhaca qofka wuu eegayaa isagoo wax aqrisanayo! Si aad si raaxa leh maskaxdaada joogto maaddada u daraasayso ku aqri meel ku habboon, haddii aadan lahayn samayso.
3: Ha isku dayin inaad xifdiso adigoo fahmin: aqris badan iyo inaad highlight garayso adigoo maadada fahmin waa laga fiicanyahay. Xalka: faham marka hore, note qaado, isku day inaad sookoobid ku samayso(summary), ama se dad kale bar u sharrax ama se adigu isu sharrax adigoo codkaaga is maqashiinayo.
4: Study group: marka si group ah maaddo u wada aqrisanayno inta maaddada aqrisanyno intaa sheekeenayno, waxaa badan intaa sheekeeysanayno, lkn in si group wax loo daraaseeyo waa hababka ugu fcn wax loo barto ka mid tahay, waana jaanis wayn haddaad heli karto.
5: Hurdo fiican seexo! Dhafarka waa mushkiladaha ugu badan waajahayno ka dhalinyara ahaan, qofka ardayga ah dhafarka uma fiicna, inaad xilli hore jiifato waxay ka qayb qaadanaysaa koritaanka maskaxdaada, inaad sfcn wax u barato fahamka Alle swt kuu furo. Nabiga scw dhaqankiisa waxaa ka mid ahaa in habeenkii xilli hore seexdo.
6: Adeegso SQ3R (Survey, Question, Read, Recite, Review) waa istiraatiijiyad kaa kaalmaynayso in maadada si xeel dheer u fahamto.
A: Survey: si kooban maadada isha u mari, ciwaannada maadada ay ka koobantahay eeg iyo waxyaabaha ka farcama, sookid sameey, ama se qaatima guud!
B: Question: ciwaannada su,aalo u baddel is waydii, qor xafid, hadafku waa in maaddada aad meel kaga soo harto sifiican kuugu fariisato.
C: Read: aqri nusuusta adigoo baarayo su,aalaha is waydiise, faham afkaarta ra,iisiga ah madaxda u ah su,aasha, isku day inaa jawaabta soo koobto.
D: Recite: markaad qayb kaste aqriso istaag hako, dib u laabo wixii aad soo dhaafte eeg xasuuso mar kale meelaha muhiimka ah.
E: Review(Muraajaco): Sameey muraajaco guud, wixii aad soo aqrisay dib u muraajaceey meelaha muhiimka mar kale fiiri, isku imtixaan nafsad ahaantaada, ku celceli.
Intaa ayaan ku soo koobay, ku mahadsanid aqriskaaga.
Ayuun Nadaara.