⇣.ও▁ ▂ ▄ ▅xikmado_iyo_sugan_6▅ ▄ ▂ ▁
=====
Maxaa ku dhaca jacaylka Guurka ka dib? 💍❤️
Su’aashan weyn ayaa dad badan is waydiiyan:
Sababta jacaylku had iyo jeer bilowgiisa uu u qurux badan yahay?
Halkee ayuu ka baxaa jacaylka muddo kadib?
Sidee loo ilaalin karaa jacaylkaas?
Miyuu guurku sii jiri karaa jacayl la’aan?
Gary Chapman, oo ah la-taliye xiriirada guurka in ka badan 30 sano, wuxuu yidhi:
Waxaa jira shan luqadood oo jacayl, qof walbana waa inuu barto si uu u muujiyo jacaylka lammaanihiisa.
Sababta ayaa ah in mararka qaar adiga iyo xaaskaaga aad ku kala hadashaan “luqado jacayl” oo kala duwan, Markaas mid baa u malaynaya in aanu helin jacayl, inkasta oo kan kalena uu dadaalayo, kaliya ay kala duwanyihiin luqada ay jacaylka kusoo kala bandhigeen.
suaasha in laga jawaabo mudan ayaa waxay tahay:
waa sidee jacaylka dhabta ah?
Gary Chapman wuxuu kala saaray laba arrimood:
Jacaylka logu magac daray (romantic love) – Waa xiiso ama jamasho xad dhaaf ah, ubaxyo, hadiyado, ereyo macaan, oo inta badan socon kara hal ilaa laba sano (ugu badnaan saddex).
Jacaylka dhabta ah (true love) – Waa ficil. Waa tixgelin, daryeel, is-qadarin, dulqaad, iyo naf-hurnimo. Jacaylka dhabta ah waa marka aad diyaar u tahay inaad ka tanaasusho raaxadaada si lammaanahaagu u farxo.
Tusaale: Jacaylka hooyada iyo aabbaha ee ilmahooda. Ma aha hadiyado iyo ereyo macaan oo keliya, waa naf-hurnimo iyo ilaalin joogto ah.
Halista fikirka qaldan
filimada iyo cinama ayaa na baray in jacaylku yahay kaliya shucuurta “casaas iyo ubaxyo, farxad waligeed jirto, hadiyado.” Taasi waa jacayl been ah, ma sii jiro. Dad badan ayaa guur ku gala iyagoo ku salaynaya jacaylkan kumeelgaarka ah ee ubaxa cas. Marka shucuurtii degto, waxay qabaan laba doorasho:
Inay sii wadaan guurka iyagoo niyad-jab ku nool.
Inay kala tagaan oo raadiyaan jacayl cusub.
Jiilka maanta, badankoodu waxay doortaan fursadda labaad, sidaa awgeedna heerarka furriinka ayaa cirka isku shareeray.
Jiilkii hore, badanaa waxay dooran jireen inay guurka ilaashadaan xitaa haddii shucuurtii/dareenkii hore ay danto, iyagoo aaminsan in qoyska iyo carruurtu ka muhiimsan yihiin dareenka kumeelgaarka ah ee cas iyo ubaxyada ku salaysan.
jiilkii hore ayaana ahaa dahabi, geesiyaal mudan in dabcigaas looga daydo.
Maxaa lagu gartaa guurka guuleysta?
Gary wuxuu yidhi dadka guurka dheer yeeshay (50–60 sano isqaba) waxay u kala baxaan laba kooxood:
Kuwa fahmay in jacaylku yahay ficil, ee uusan ku koobnayn dareen iyo hadalo macaan. Way isku dulqaateen, way is daryeelaan, oo ay isu naxariisteen.
Kuwa jacaylkoodi uu lumay, balse weli way wada joogeen si ay carruurtooda iyo qoyska u ilaaliyaan.
=====
#Arooryo_Suuban
╭┈──────────────
╰┈➤
♡ ㅤ ❍ㅤ ⎙ ⌲
ˡᶦᵏᵉ ᶜᵒᵐᵐᵉⁿᵗ ˢᵃᵛᵉ ˢʰᵃʳᵉ
❍━━━━━━ლ━━━━━━❍